Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Oo Maanta Ku Geeriyooday Qaxarii Muqdisho

Alle ha u naxariistee Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sawaqar Ibraahim Cabdalla ayaa ku geeriyooday qaraxyadii barqadii maanta lagu weeraray wasaaradda.

Xilliga weerarka uu dhacaayay ayaa Xarunta Wasaaradda waxaa ku sugnaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha iyo qaar kale oo badan oo Shaqaalaha ka tirsanaa.

 

Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray weerarka, waxayna dileen ugu yaraan Shan ruux oo dableydii weerarka ku qaaday dhismaha Wasaaradda ahaa.

 

Maydadka Raggii dableyda ahaa ee meesha weeraray ayaa yaalla xarunta Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha ee maanta weerarka uu ka dhacay.

 

Wasiir Ku xigeenka geeriyooday Sawaqar Ibraahim Cabdalla ayaa sidoo kale ka mid ahaa xildhibaanada golaha shacabka ee laga soo doortay degaanada Jubbaland.

 

Alle ha u naxariistee waxaa xilkaan loo magacaabay bishii Agoosto 2018, waxa uuna ka hor magacaabista xilkan xubin ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka.

Alle ha u naxariisto Marxuum Sawaqar Ibraahim Cabdalla

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker