Xisbiga Waddani Oo Sharci Daro Kutilmaamay Xadhiga Xildhibaan Dhakool, Si Adagna Ugu Jawaabay Wasiirka Gaadiidka JSL

Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka jawaabay eedaymo dhawaan uga yimid qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo eedo u jeediyey masuuliyiinta xisbiga Waddani oo ka hadlay xukunkii degdega ah ee fashilmay ee xukuumadu Muuse Biixi ay ku soo rogtay deegaano ka tirsan bariga Somaliland.

Ugu horayn Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka hadlay waxyaalaha qofka Wasiir noqonaya looga baahan yahay iyo meelaha laga eego qofka wasiirka ummadda u noqonaya, sidoo kale xoghayaha xisbiga Waddani waxa uu ka hadlay xukunkii dagdaga ahaa ee xukuumadu ay ku soo rogtay deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxa jira wax la yidhaahdo Ministerial code of conduct, wasiiradu sideebay tahay inay u dhaqmaan, waxyaabahaasi waxa kow ka ah oo stranded aduunka ah dhan laga yaqaano ah wasiirku inuu run sheeg yahay, waxa muhiim ah in qof shuruucda wadankaasi uu wasiirka ka yahay ixtiraamaha oo isagu uu ku hogaamiyo tusaale oo uu tusaale wanaagsan noqdo, waxa kale oo Wasiirka looga baahan yahay inuu yahay qof ixtraamaya bulshada ama mushtamaca oo wuxuu ku hadalyo ka fiirsada oo hadalkiisu aanu dhacdhac iyo gole ka fuul, ceebayn cid kale lahayn.

Maalin dhaweyto wasiiraa iska daba hadlay saddex wasiir hadaanay afarba ahayn arin taagnayd oo ahayd arinta xukunka degdega ah ee xukuumadu soo rogtay ee Baarlamaanku wuu ku mahadsan yahay arintaase uu fashiliyey ayay dhamaantood ka falcelinayeen, waxay u falcelinayeen masuuliyiin xisbiga Waddani ka tirsan oo ka hadashay oo sheegay sababaha xisbiga Waddani uu u diidan yahay.

Anaga xisbi ahaan dhaqan nooma aha inaanu dadka cayno, mana doonayno caruuraheenu inay guryaha naga daawadaan inaga oo is-caayayna ama cid aflagaadaynayna, waxa aanu ka hadalnaa waa siyaasad weeyaan, waa aragti siyaasadeed weeyaan, hadaanu cid dhaliilayno waxa aanu sheegayna waxa aanu cidaasi ku dhaliilayno iyo halka ay tahay in laga toosiyo.

Tusaale ahaa; arinta xukunka degdega ah hadaad eegto ama hadaad maqasho xukun degdeg ah ayaa meel lagu soo rogay, macnuhu waxa weeyi waxa la laalay wixii la odhan jiray ‘civil liberty’ ama xuquuqdii qofka muwaadinka ahi lahaa ayaa la laalay, shruucdii ayaa la dabciyey oo qaar ka mid ah laga talaabsaday. Ta la xalaalaynayaa oo marka hore laga hadlaayo ee la leeyahay xukun degdeg ah taas weeyaan, anagu markaas taas waxaanu u aragnaa oo aanu ku diidanahay arinta xukunka dedega ah inaga hadaynu nahay reer Somaliland waxa inoogu lamaan oo inoogu ladhan oo ay sumad inoogu leedahay dhaqankii dawladii siyaad barre, xasuus xun ayay inagu leedahay.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.halkan hoose ka daawo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker