Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlay gantaalkii ku dhacay Poland

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in aanu shaki ku jirin in gantaalkii lagu dilay labada qof ee ree Poland ee Talaadadii aanu ka iman difaaca cirka ee Ukraine.

Gaashaan Buurta NATO, Poland iyo Mareykanka ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in dhacdadan ay u badan tahay inay ka dhalatay gantaalada difaaca cirka ee Ukraine.

Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa sheegay inay u muuqato in gantaalkii ku dhacay Poland uu sababay qalabka difaaca hawada ee Ukraine.

Ukraine waxay isku dayaysay inay ka hortagto gantaallada Ruushka.

Xukuumadda Kyiv waxay beenisay inay ka dambeysay gantaalkii ku dhacay tuulo ku taalla waddanka Poland.

Dhinaca kale, Stoltenberg oo ah xoghayaha gaashaanbuurta Nato ayaa sheegay inay u muuqato in gantaalka ku dhacay dalkaas uu sababay qalabka difaaca hawada.

Wuxuu intaa ku daray in “Ruushka uu dusha saaranayo mas’uuliyadda weerarkaas madamada uu dagaal sharci darro ah ka wado Ukraine”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker