CAQLIGA FAYAW IYO CILMIGU ISKAMA HORYIMAADAAN.W/Q: Sh Axmed Cali Aadan

In kaste oo da’daydu tahay dhawr iyo afartan jir,oo aanan sheeganayn khibrad nololeed badan,hadana waxan isleeyahay:waxaad haysaa sheekooyin badan oo ay ka baran karaan casharo wax ku ool ah, inta iga da’da yari.

Hadaba aan u horaysiiyo sheekadan na dhex martay aniga iyo Aabahay Cali Aadan Xassan alle haw Naxariistee .
Wakhti aan ku qiyaasaayo 1996 anigoo magaalada Daroor wax ka dhigta ayuu Aabahay I waydiiyay su’aashan” Axmedaw hadii qofku haysto 40 Adhi ah,iyo toban caruur ah sakko adhigiisa ma ka bixinayaa??
Su’aashan waxaan kaga jawaabay:haa wuu ka bixinayaa,sababtoo ah adhigiisu waxuu gaadhay tiradii uu adhigu ku sokko goyn jiray.

Aabo alle haw Naxariistee su’aal kale ayuu I waydiiyay taas oo ah: gartay Ninkaasi inuu sakko bixinaayo,lakin ma qaadan karaa hadii isaga sakko la siiyo,waayo marka 40 ka Neef ee adhiga ah la barbar dhigo,baahiyaha 10 ka caruurta ah iyo hooyadood waxa badanaysa baahidooda.???
Su’aashan jawaabteeda waan ku raftay sidaan dib ka ogaaday,waayo waagaa in kastoon diinta wax badan ka,aqaanay hadana xagga fiqiga ayaa igu yaraa!
Hadaan jawaabtaydii idiin sheego waxay ahayd sidan:Nin sako bixinaaya,sakko ma qaadan karo.

Markii aan jawaabtaa siiyay Aabahay kumuu qancin,waayo waxay ka hor timi caqliga saliimka ah siduu ina faraayo.

Hadaba dib ayaan ka ogaaday in Aabahay igaga saxsanaa masaladan.
Waanay ku qorantay kutubta fiqiga ah in:qofka isagoo sakko ku waajibtay xoolihiisa,oo bixiyay
hadana uu qaadan karo sakada cid kale.
Markii aan ogaaday masaladan waxaan si dhab ah u yaqiin saday:(inaanay caqliga saliimka ah iyo cilmigu iska hor imanayn,iyo inaan la dhayalsan qofka kaa da’da wayn,waayo hadaad aqoon kaste leeday,ogow isna waxuu haystaa khibrad iyo waayo aragnimo ku siman intuu soo gaadhay hortaa,iyo intii looga sheekeeyayba).

 

La soco sheekooyin
Xiiso leh.
By:Sheekh Axmed Cali Aadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker