Booqashadii Mafrishka & Hadaladii Na Dhex Maray Xooghayaha Madaxweynaha – Mubaarik Taani

Taariikhdu Markay Ahayd 11 July 2019 Saacaduna Ahayd 09:30 Habeenimo Waxaa Si Kadis Ah Noogu Soo Galay Madaxweyne Muuse Biixi & Xooghayihiisa Khaaska Ah Mubaarik Taani Oo Wada Socda, Saa Dhami Dhalinyaradii Goobta Ku Sugnayd Wada Istaageen Oo Bartii Madaxweynaha Qof Waliba Si Diiran U Salaamay Iyadoo Hadalo Kaftan Ah Oo Kooban Oo Weheliyo Qosol Gariir Aad U Faro-Badani.
Waxaa Dhacday Kadib Markii Aan Salaamay Madaxweynaha In Mubaarik Taani Anoo Jeestay Oo Fadhiiso Islahaa Intuu Magacayga Iigu Yeedhay Intaan Soo Jeedsaday Idhi Hee! Markaasuu Igu Yidhi Waakan Madaxweynahaad Social-Media Ku Dhaliishaaye Hada Wax Dheh! Markuu Hadalkaa Lahaa Aniga Iyo Madaxweynaha Talaabaa Noo Dhaxaysa Oo Dhalinyaradii Ayaanu Weli Wada Salaamin oo Dhinacayga Bidix Taagan Iyo In Berendaha Kasoo Kacdoo Marku Soo Galaayay Soo Dhaafay Madaxweynuhu Intaanu Qolka Noogu Soo Galin. Ayaa Waxaan Ugu Jawaabay Oon Ku Idhi: Mubaarik Taaniyoow Anigu Xor Baan Ahay, Hadal-kayguna Sida Qoraxdu U Cadahay Ayuu U Cadyay,  Aqoon Ayaa Iigu Kaa Laaban Oo Hada Adoo Maqlaaya Ayaan Odhan Intaan Social-Media Ku Qoro! Intaa markaan Idhi Madaxweynuhu Intuu Nasoo Yara Qooraansaday Ayuu Degdeg U Jeestay Salaamayay Weli Dhalintii, Umalayn Maayana Inuu Maqlaayay Hadalkayaga. Eraygii U Danbeeyay Markaan Idhi Ayaa Nin Weyn Oo Dhinacayga Midig Taagnaa Yidhi: Waxba Ha Odhan Aadan, Madaxweynuhu Salaan Ayuu Inoogu Yimiye! Intaan Aamusay Ayaan Fadhiistay. Markay Naga Baxeen Ayaa Hadal Kuu Yidhi Mubaarik Taani Dib Loo Soo Qaaday Oo Badida Dhalintii Salaamaysay Madaxweynuhu Aanay Maqlaynba Iyadoo Ka Ugu Fogi Laba Talaabo Noo Jiray Intaanu Hadaladaas Is Lahayn.  Waxaa Dhami Dhalinyaradii U Qaadan Waayeen Wuxuu Hadalkaa Ku Keenay Aan Munaasibka Ahayn, Laakiin Inuu Iska Doqoniimo Hadlay Uun Laga Wadi-waa.
Waxaa Bartaa Ka Muuqata In Xooghayaha Madaxweynuhu Aragtidayda Ku Wajahan Siyaasada Dalka Ee Baraha Bulshada Kaga Faaloodo Aay Aad U Dhibtay Lana Odhan Karo Wixii Xooghayaha Madaxweynuhu Dhibsado Qasbiyan Madaxweynuhu Kala Dareen Noqonayaa Maadaamuu ‘Master’ Kiisii Uu Yahay.
Malcom-X Ayaa Wuxuu Yidhi; “The house Negro identified himself so much with his master he’d say, “What’s the matter boss, we sick?” His master’s pain was his pain. And it hurt him more for his master to be sick than for him to be sick himself.”
Hadalkayga Waxaan Kusoo Gunaanadayaa;
Mubaarik Taaniyoow Ha Noqon ‘The House Negro’ Oo Umada Ha Kula Coloobin Afkartooda Baraha Bulshada Kula Wadaagan Bulshada Somaliland, Oo Hadii Madaxweynuhu Xanuunsado Ha Moodin Inaad Adigu Xanuunsanaysid!
Aden Deeq

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker