Hargeysa oo lagu soo bandhigay Buugaag ka hadlayasa taariikh nololeedkii Xaaji Cabdi Waraabe

Waxaa xalay magaalada Hargeysa  lagu soo bandhigay, buugaag uu qoray abwaan da’a yar oo ku nool magaaladaasi.

Buugga ayaa waxaa laga qoray, Allaha u naxriistee Xaaji Cabdikariin Xuseen oo ku magac dheeraa Cabdi Waraabe, oo ahaa nin taariikh dheer leh.

Si weyn ayaa waxaa looggu xasuustaa ka shaqeynta nabadda, iyo arrimaha dibu heshiisiinta beelaha Somaliland iyo dhismaha maamulkaba. Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo buuggaasi qoray, ayaan wax ka weydiinay doorkii uu Xaaji Waraabe ku lahaa arrimaha dib u heshiisiinta, dib u dhiska Somaliland.

Abwaanka ayaa sheegay in magaalooyinka ay soo galeen jabhado ku dhisan, kuwaasoo nidaam saneyn.

Waxey qalqal galiyeen noloshii magaalooyinka, iyadoo Xaaji Cabdi Waraabe, uu door weyn ka qaatey dibu heshiisiinta, iyo dhismaha dowladda Somaliland, taasoo ugu danbeyntii keentay xal nabad gelyo iyo kala danbeyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker