Somalia oo ku Biirtay wadamda Africa ee Xanuunka Covid-19 Faraha Baas ku Hayo

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaysa tirada uu soo ridanayo cudurka Corona gudaha dalka Soomaaliya.

 

Waxaa sidoo kale sii korodhaysa tirada Dadka Soomaalida ah ee u dhimanaya  feyriska Covid-19.

Soomaaliya 24 saac ee ugu dambaysay waxaa cudurka ugu dhimatay dad gaadhaya 6 qof sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

 

 

Waa tiradii ugu badnayd ee hal maalin oo kali ah Soomaalya ugu dhimatay cudurka Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

 

 

Sidoo kale waa tiradii ugu badanayd ee dalalka ku yaalla bariga Afrika ee la shaaciyay in hal maalin ay ugu dhimatay cudurka.

 

 

Soomaaliya sidoo kale waxaa 24 saac ee ugu dambeysay la diiwaangaliyay 49 qof oo cudrka laga helay.

Tirada guud ee Soomaaliya uu cudurka Covid-19 uu so ritay ayay wasaarada caafimaadka ku sheegtay 286.

 

 

Tirada cudurka uu soo ritay bariga Afrika.

Tirada uu soo ridanayo cudurka Covid-19 ee guud ahaan dalalka bariga Afrika ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa.

Dalka Kenya tirada dadka uu cudurka haleelay ayaa imika gaaraysa 296 qof waxaana cudurka u dhimatay 14 qof.

 

 

Dalka Itoobiya ilaa iyo imika tirada dadka uu cudurka soo ritay ayaa gaadhaysa 111 qof,halka ay cudur u dhinteen 3 qof.

 

 

Dalka Jabuuti ayaa ka mid ah ilaa iyo imika dalka tirada ugu badan u cudurka soo ritay gobolka waxayna tirada guud ahaan kor u dhaaftay 800 oo qof.

 

 

Tirada uu cudurka soo ritay guud ahaan caalamka

Guud ahaan caalamka waxaa maalin kasta sii kordhaysa tirada uu soo ridanayo cudurka Covid-19 iyo tirada u dhimanaysa.

 

 

Tirada guud ahaan uu caalamka soo ritay cudurka Corona ayaa imika gaadhay 2,561,044.

Waxaa cudurka Covid-19 ugu dhimatay guud ahaan caalamka 177,200.

 

 

Dalka Mareykanka ayaa tirada ugu badan cudurka ugu dhimatay waxayna imika kor u sii dhaafaysaa 45,000 oo qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker