IDF oo sheegtay in 24 saac gudahood ay ku garaacday in ka badan 250 bartilmaameed

Warar hadda ka soo baxay Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF), oo sheegay in in ka badan 250 bartilmaameed ay ku garaaceen Marinka Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Qoraal ay soo dhigeen X, oo hore u ahaan jirtay Twitter, IDF waxay sheegtay in bartilmaameedyada ay ka mid yihiin tunnel-ka, daraasiin dagaalyahannada Xamaas ah iyo xarumaha hawlgalka.

IDF ayaa sidoo kale sheegtay in ay dishay Medkhat Mabasher, oo ahaa taliyihii Xamaas ee Khan Younis, iyaga oo ku eedeeyay in uu ka qeyb qaatay weeraro lagu qaaday ciidamada IDF iyo deegaanada Israa’iil.

IDF ayaa sheegtay in diyaarad ay ku burburtay Marinka Gaza cilad farsamo awgeed, taasoo ay sheegtay in baaritaan lagu hayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker