Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo Ka Hadashay Qoondada Baarlamaanka Somalia

lhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka ku soo food leh dhammaadka sanadkan 2020 iyo ka xiga ee 2021-ka.

 

 

Ilhaan Cumar oo warrameysay BBC-da in rajo wanaagsan ka muujisay doorashada soo socota, iyada oo si gaar ah uga hadashay kaalinta dumar iyo hoggaaminta dalka.

 

 

Sidoo kale waxa ay ku baaqday in la dhiiro-geliyo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira siyaasadda, islamarkaana lagu aamino xilalka muhiimka ah ee ay qaban karaan.

 

 

“Waxaan rajeynayaan in doorashooyinka dhici doona la dhiirageliyo dumarka, in nala aamino iyo in ay wax badan soo dhicin karaan haddii boos la siiyo,” ayay tiri Ilhaan.

 

Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay haddii dumarka la siiyo fursad in ay la imaan karaan is-bedal muuqda.

 

 

“Waxaan u maleynayaan gabdhaheena Mareykanka ee tartamay ee ku guuleystay in aan tusaale u noqon doono dadka jooga Soomaaliya oo ay u fahmaan in marka gabdho la doorto isbedel fiican la helaayo,” ayey sii raacisay Ilhaan Cumar.

 

 

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dood adag ay ka taagan tahay qoondada haweenka, waxaana soo baxaya cabasho ay ka tirsanayaan haweenka xubanah ay soo magacaabeen dowlad goboleedyada dalka ee ku metalaya guddiyada doorashooyinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker