Ururka Garsoorayaasha Dalka Kenya oo Dawladooda ka dalbay inay Gabi ahaanba ka Baxdo kiiska dhanka Badda ee Kala dhexeeya Dalka Somalia

Urur ay leeyihiin Qareennada dalka Kenya ayaa gal dacwadeed geeyay Maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Ururkan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay tahay in ay ka laabato kiiska kala dhaxeeya Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda ICJ.

Qareennadan oo ku mideysan Ururrada kala ah  Kinoti iyo  Kibe, ayaa sheegay in kiiskan ka qeybgalka Kenya uu xad gudub ku yahay dastuurka Kenya gaar ahaanna qodobada dhinaca sohdinta ku saabsan.

Baaqooda ayey sidoo kale gaadhsiiyeen Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya.

Waxaa ay Maxkamadda sare ka codsadeen in ay si deg deg ah ugu dhawaaqdo in Kenya ay laashay ka qeybgalkeeda dhegeysiga kiiskan oo Maxkamadda ICJ ay billaabeyso Bisha September ee soo socota.

Talaadadii la soo dhaafay ICJ ayaa ku dhawaaqday dhegeyesiga dacwadda Kenya iyo Soomaaliya in ay billaabaneyso 9ka September iyada oo dal waliba la siiyay waqti la mid ah kan la siiyay dalka kale waxaana ay ku egtahay 13ka September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker