“Siyaasada aanu tageeraynaa ee aanu la dhacsanahay waa mabadiida xisbiga aanu ka tirsanahay ee waddani “

Siyaasada aanu tageeraynaa ee aanu la dhacsanahay waa mabadiida xisbiga aanu ka tirsanahay ee waddani. kaas ayaa ah ka aanu shacab-kayaga reer somaliland kaga wakiilka nahay ee ay nagu doorteen, kuna hogaamin doono wakhtigeeda, insha allah,

(1) Waddani wuxuu hirgelinayaa doonista aan nasashada lahayn ee ay dadka jamhuuriyada somaliland qarannimadooda ugu raadinayaan aqoonsi caalami ah iyo in ay dhistaan bulsho ku dhaqan xornimo iyo cadaalad,
(2) Waddani wuxuu sugayaa sinnaanshaha buuxa ee muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland, korriinka dheelli-tiran ee gobollada dalka iyo saami-qaybsiga kuraasta iyo khayraadka dalka oo si caddaalladd ah loo qaybsado,
(3) Waddani wuxuu hirgelinayaa ku-dhaqanka qaynuunka iyo xeerarka dalka u yaala iyada oo la dhawrayo xorriyadaha asaasiga ah iyo badbaadada dadka,
(4) Waddani wuxuu hogaaminayaa qaran ku ab-tirsada taariikhdiisa hodanka ah ee kasoo xidhiidhsan xaddaaradii Awdal, boqortooyadii bariga Sanaag, halgankii Daraawiishta, halgankii lala galay gumaystihii reer yurub, iyo halgankii dibu-xoreynta Snm,
(5) Waddani wuxuu si buuxda ugu dhaqmayaa una ilaalinayaa Distuurka jamhuuriyada somaliland, xeerarka qaranka iyo wada-tashiga dimuquraadiga ah,
(6) Waddani wuxuu ku barbaarinayaa taageerayaashiisa tartanka xalaasha ah ee doorashooyinka, iyo nidaamka dimuquraadiga wadatashiga ah iyo qaybaha kale ee nolosha bulshada oo dhan,
(7) Waddani wuxuu balan qaadayaa ku-dhaqanka hab xisaabeedka maaliyada oo daah- furan iyo isla-xisaabtan joogto ah, dhamaystirka mashaariicda qaran ee ahmiyadda u leh kaabayaasha dhaqaalaha dalka,
(8) Waddani wuxuu ilaalinayaa xuquuqda qaybaha bulshada ee dulman ee ay ka midka yihiin beelaha dulman, haweenka, dhalinyarada, iyo naafada; isaga oo dammaanad- qaadaaya in ay si buuxda uga qayb- galaan qaab- dhismeedka xukuumada ,
(9) Waddani wuxuu hirgelinayaa dhaqanka suuban ee diinta islaamka, akhlaaqiyaadka iyo dhawrsanaanta shaqo; waxaa ka- reeban Barnaamijka siyaasiga ee xukuumada xisbiga Waddani, wax kasta oo ka soo horjeeda diinta islaamka.
(10) Waddani wuxuu ka soo horjeedaa nooc kasta oo takoor ah oo bulshadda jamhuuriyada somaliland, u kala qaybinaaya qabaa’il, jinsi, gobol, iyo nooc kasta oo kale oo kala qoqob ah,
(11) Waddani wuxuu la dagaalamayaa isku- day kasta oo wax u dhimaaya midnimada umada jamhuuriyada somaliland, dhamaanshaha dhul ahaaneed, nabada iyo degganaanshahaba.

Wabillahi towfiiq
maxamed carab wacays.
xoghayaha dalalka yurub ee xisbiga waddani ;

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker