Warbixin: Faransiiska oo lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa xasuuqii Rwanda

Warbixin uu soo saaray guddi 15 xubnood ka kooban oo baarayay xasuuqii Rwanda ee dhacay 1994 ayaa lagu sheegay in Faransiiska uu gabay mas’uuliyadda wax ka qabashada dhibaatadaas, laakin guddiga taariikhyahnada ahi ma helin caddeyn ah in Faransiiska si toos ah ugu lug lahaa falkaas.

Warbixinta ayaa loo gudbiyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxayna aheyd mas’uuliyad oo Faransiiska indhaha ka qabsaday ka hor tago abaabulka xasuuqaas.

Ugu yeraan 800,0000 oo qowmiyadda Tutsiga ah ayaa waxaa laayay maleeshiyaad mayal adag oo ka soo jeeda qowmiyadda Hutu.

Guddiga ayaa darsay dukumentiyada Faransiiska ee ku saabsan dalka Rwanda.

Dowladda Rwanda oo had iyo jeer Faransiiska ku eedeysa in uu ku lug lahaa xasuuqa ayaa soo dhaweysay warbixintan.

 

Warbixinta waxay eedeysay madaxweynihii xilligaas ee Faransiiska Francois Mitterrand, sida uu ugu guuldareystay in uu la yimaado siyaasad ku aadan Rwanda ee berigaas.

Warbixinta ayaa hadda dibadda la soo dhigay ka dib sanado saraakiisha Faransiisku sheegi jireen in la qariyo xiriirka ka dhexeeyay Faransiiska iyo hogaamiyaha Hutu ee maamulayay dalka Rwanda xilligaas.

Labo sano ka hor ayaa madaxweynaha Faransiiska uu magacaabay guddi baaray doorka Paris ku laheyd xasuuqii Rwanda ee 1994, ayagoo gacanta loo geliyay dhammaan feelasha madaxtooyada, diplomaasiyiinta, militiriga iyo sirdoonka dalka Faransiiska ee ku saabsan dalka Rwanda.

 

Xasuuqa ayaa bilowday 6 Abril 1994 kolkaas oo diyaarad ay wada saarnaayeen madaxweynaha Rwanda iyo dhigiisa Burundi lagu soo riday dalkaas.

Dowladda Rwanda ayaa qudheeda sheegtay in dhowaan daah ka rogi doonto warbixin ka hadlaysa doorka Faransiiska uu ku lahaa xasuuqaas.

Faransiiska waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa kamid ah in degaanada ciidanka Faransiiska ka howlgali jirey ay gabaad u noqotay maleeshiyaadka xasuuqa ka dambeeyay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker