Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe SL oo Tacsi diraaya geerida ayeeyo Maryam Qaalib
Waxaan tacsi iyo tiiraanyo la qaybsanayaa reer Gaaxnuug Cabdillaahi geerida ayeeyday Maryam Qaalib, xaaskii awoowgay Alle ha u naxariistee Gaaxnuug Cabdillahi, ayeeyo Maryam Qaalib oo lagu aasay Hargeysa. Alle ha u naxariisto, qabriga ha u nuuro, hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare.Ayeeyo Maryam waxay ahayd ruux Alle cimriga u barakeeyey ku barbaartay cibaado iyo akhlaaq suuban kuna gabowday oon maalina cibaado Alle ka tegin, tusbaxa aan gacanteeda laga waayin, oo xili walba Alle xusuusnayd oon afka ka qaadin tasbiix iyo tahliil. Ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo samir iyo duco.