Hogaamiyaasha afgambiga Niger oo qaaday talaabo ka dhan ah Fransiiska

Hogaamiyaasha afgambiga Niger ayaa u qabtay safiirka Faransiiska 48 saacadood inuu kaga baxo dalkaasi iyadoo xiriirka laba geesoodka ah uu sii xumaanayo si xawli ah. Hogaamiyaasha milatariga ayaa sheegay in Sylvain Itte uu diiday inuu ka jawaabo martiqaad uu u fidiyay wasiirka arrimaha dibadda Niger si uu ula kulmo.

Faransiiska, oo horey u ahaan jiray awoodda gumeysatay Niger, ayaa sheegay in “putschists aysan awood u lahayn” inay amraan cayrintaas.

Paris ayaa ka soo horjeeda afgambigii July, iyadoo sheegtay in madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohammed Bazoum ay qasab tahay in xafiiska lagu soo celiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker