Guddoomiyaha Wakiillada Oo Saxay Qaladkii Sababay Khilaafka Mudaneyaasha Golaha

Hargeysa (OWN)- Fadhiga Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa saaka dib u furmay ka dib muddo kooban oo uu khilaaf mudaneyaasha soo kala dhex-galay u hakaday.

Fadhigan maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu guddoomiyuhu sheegay in khilaafkii soo kala dhex-galay laga wada hadlay lana dhameeyey.

Golaha ayaa saaka loo qaybiyey nuqulka Xeerka Shirkadaha Caymiska oo doodiisu fadhiyada soo socda bilaabmi doonto, waxaanu guddoomiyuhu fadhiga ka sheegay inaanay suurta-gal ahayn in la gudo-galo cod u qaadista xeer aanay mudaneyaashu ka doodin.

Hadalkan guddoomiyaha ayaa u muuqda inuu sixitaan u yahay khilaafkii kala qaybiyey mudaneyaasha Golaha, kaas oo ku yimi kaddib markii Goluhu dhawaan Si juujuub ah u ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerka doorashooyinka oo aanay Mudaneyaashu ka doodin.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo hadalkii Guddoomiyuhu Saaka ka jeediyey Golaha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker