Maxaa ka jira in Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland uu Amar ku bixiyay in Lasoo Xidho Taliyaha Guutada 31 aad . ee Ciidama Milatariga Somaliland

Hargeysa (OWN) – Warar  aan si Rasmi ah Loo Xaqiijin ayaa sheegaya  inuu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya saraakiisha ciidamada Somaliland, gaar ahaan taliyaha guud ee Milatariga iyo kan qeybta gobolka Sool .

 

Taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo la hadlay warbaahinta ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in la soo Xidho taliyaha guutada 31-aad ee Ciidamada Milatariga Somaliland Ismaaciil Faraax Cawaale (Doolaal).

 

Kulan ay yeesheen labada taliye ayaa la sheegay in fashil uu ku soo dhamaaday , waxaana kadib taliye Taanni uu amray in gudaha magaalada Hargeysa lagu xidho Doolaal oo ah taliyaha ciidanka  Somaliland ee ka howgala gobolka Sool.

Wararka qaar ayaa sheegaya in go’aankani taliyaha Milatariga Somaliland uu la ogyahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Arrintan ayaa salka ku heysa rabshado ka soo cusboonaaday gobolka Sool, halkaas oo ay Somaliland kula dagaalameyso jabhada uu hoggaamiyo Feysal Falaalug.

 

Xaaladda deegaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa maalmihii ugu dambeeyay kacsanayd, iyadoona dagaallo kala duwan ay ka dhaceen gobolladaasi.

By Suxufi Sinyoore Hargaysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker