Roobab Dabeylo Wata Oo Ka Bilowday Puntland iyo Somaliland

Sida ay saadaalinayaan khubarada saadaasha hawada, dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa isu beddelay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

 

 

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeebaha Somalia, kuwaas oo saakay ka billowday xeebaha Puntland, gaar ahaan Sanaag iyo Heyland.

 

 

Mas’uuliyiinta maamullada Somaliland iyo Puntland oo ay roobabkan iyo duufaantan si weyn u saameyn doonaan, ayaa soo saaray digniino ku wajahan dadka ku nool magaalooyinka xeebaha iyo kaluumeysatada, oo looga digayo inay ka fogaadaan dhulka go’dan iyo xeebaha.

 

 

Dufaanta iyo roobabkan ayaa laga cabsi qabaa inay keeni karaan dhimasho iyo dhibaato ka soo gaarta Soomaaliya oo todobaadyaddii u dambeeyay meelaha qaar dadku ay la dhibaatoonayeen daadad ka dhashay roobabkii caadiga ahaa oo sanadkan u da’ay si ka badan sidii la filayay.

 

 

Image result for heavy rain in africa

@ VOA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker