“Inantaa yare e la fara xumeeyey Hooyadeed ayaan ahay waa 13 sanno jir ”

Gabadh yar oo13 sanno jir ah oo lagu magacaabo Barwaaqo Axmed Cateeye ayaa ay eheladeedu sheegeen inay kufsadeen afar askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Magaalada Ceel-afweyn,kuwaas oo ay sheegeen inay hadda xidhan yihiin,balse aan la horgeyn Maxkamadda

Hooyada dhashay gabadhaas oo war-baahinta la haddashay ayaa ka warrantay siday wax u dhaceen“Inantaa yare e la fara xumeeyey Hooyadeed ayaan ahay waa 13 sanno jir , habeenkii markii aan waayey waan iska jiifsaday subixii ayaan baadi doon galnay anniga iyo eddadeed xafadaha Magaalada Ceel-afweyn oo dhan ayaan ka raadinay,maalin iyo habeen ayey maqnayd, waxa qaatay ciidankan bilayska ah birmadka ee Ceel-afweyn jooga, kadib halkii ay ku kufsadeen, ayaa la yidhi halkan ayey tallaa inantii,markii aan u tagnay waxay noo sheegtay ina afar nin oo ciidanka ah inta ay qateen ay kufsadeen oo halkii ay ku kufsadeen ay kaga tageen .”

Waxa ay intaas ku dartay “Waxa weeye afar nin oo waa weyn oo 28 jir ugu yar yahay afartaa nin,ayaa kufsaday inanta yar, markaa waxa uu dhacay afartii bishan Juun 2021-ka ilaa hadda Maxkamad lama geyn nimankii caddaalad lama horgeyn nimankii falkaas sameeyey .”ayey tidhi Gabadhar Hooyadeed.

Geesta kalena waxa halkaas ka hadashay edada gabadha yar ee la sheegay in la kufsaday “Waxa aan ahay Barwaaqo Axmed Cateeye Eedadeed oo 13 sanno jir oo Magaalada Ceel-afweyn kufsi ay ku sameeyeen afar nin oo ciidanka birmadka ah,waa la qaatay oo afarta mid-na mar ayuu galay ilaa subixii, askari kale oo ka tirsan ciidanka ayaa u yimi oo ka kiciyey,markii aanu ugu tagnay meshii waanu soo qaadnay dhakhtarka ayaanu geynay dhakhtarkii ayaa caddeeyey inay kufsi iyo dhibaato kale qabto ,waxaanu doonaynaa in afartaan nin ee ilmahaa yar ku tacadiyey in sharciga na loo horgeeyo oo aan odayaal iyo cid kale na loo maqlin.”

 

Dhanka kalana waxa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Sanaag Gaashaanle Dhexe Salebaan Ducaale Ubax Leh ,kaas oo sheegay inay eedaysanayaashasi xidhan yihiin,isla markaana la hor-geyn doonno Maxkamadda “ Dembigaa afarta askari loo haystay gacanta ayaa lagu hayaa baadhistuna wey socotaa, arrintaa ay sheegtay gabadhaas wax ka dayacan iyo caddaalad darro kaga dhacday ma jirto inantaa dayarta ah cidii ay tidhi dambigaas ayey iga gashay wey xidhan yihiin Maxkamadda sharciga ahna waa la hor-geynayaa.”

Taliyaha ayaa intaas ku daray “ Waxa weeye arrintaa ay gabadhaas war-baahinta marisay waa arrin aan sal iyo raad toona lahayn ,waxa aanu leenahay ka joogsada inantaa ciddii dembiga ka gashay wey xidhan tahay sharcigana waa la horgeenayaa,dembigaa cidii lagu tuhunsan yahay wey xidhan yihiin waana Maxkamadda sugayaal waanan horkeeni doonna cidii dembiga loo haystay kiiskii oo dhammaystiran.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker