Daawo: Qaabkii Madaxwaynaha JSL Loogu Soo dhaweeyay Wadanka Jabouti

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi balaadhan uu Hogaaminayo aayaa  si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirada Wasaaradaha  Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Jabuuti .

 

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa intuu magaalada Jabuuti joogo la filayaa in kulamo gaar ah la qaato Madaxda dalkaasi ayna kawada hadlaan xidhiidhka labada dhinac ka dhaxeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa iyo arimo kale .

 

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa socdaalo dhawr ah Ku Tegay qaar kamid ah Wadamada dariska la ah Somaliland , waxaanuu dhawaan Safar  Xiisad Siyaasadeed  abuuray ku tegay dalka Kenya halkaas oo  uu kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker