Dawladda Sucuudiga oo Xayiraad Saartay Duulimaadyada Caalamiga ah ee Dalkeeda

 

Iyadoo Guud ahaan caalamka uu soo food saaray mar kale culey la xidhiidh caabuqa Coronavirus ayay dowladda Sacuudigu joojisay gabi ahaanba duuliyaadkii caalamiga ah ee Tegi jiray dalkeeda.

 

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in laga fiirsan doono dib u eegisna lagu sameyn doono socdaalka dhinaca badda ah ee soo Gala dalka Sacuudiga,

 

Iyadoo arintaa loo yeelayo ka hortaga khatarta uu cudurkan Covid 19 ku hayo guud ahaanba dunida.

 

Waxaa ay sheegtay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Sacuudigu in duulimaadyada caalamiga ah ee horeyba ugu jiray dalka loo ogolaan doono inay ka baxaan.

 

Tallaabadan ay dowladdu qaadatay ayaa saameyn ku yeelan doona kumanaan muslimiin ah oo filayay in ay dhawaan taggaan Xaramka,

 

Mamnuucsitan duulimaadyda caalamiga ah ayaa noqon doonta mid ku eg muddo toddobaad ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker