Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Belgium oo baaq nabadeed u diraysa Beelaha walaalaha ee colaadu ku dhex martay Gobolka Sool

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Biljim (Belgium) waxay baaq nabadeed u diraysaa Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Gobolka Soôl, Waxayna ugu baaqaysaa inay colaada joojiyaan oo ay dhowraan walaaltinamada iyo wada dhalashada aan guurahayn, caqliga iyo damiirkuna shaqeeyo oo ay joojiyaan dagaalka, Allahna waxa ka baryeeynaa in uu colaada inaga qaboojiyo intii ku dhimatayna uu u danbi dhaafo, intii ku dhawacantayna uu Illahay u booga dhayo.

Waxa kale oo ugu baaqaynaa Ummada Soomaaliyeed meelkasta ooy joogto, Gudo iyo dibadba inay u istaagaan kana qayb qaataan si hagar la’aan ah sidii colaadaa loo joojin lahaa, loona gurmado in aanay colaadaasi intaa in ka badan inaga galaafan, waa nasiib daro weyn aduun iyo aakhiraba in aynu iyadoo qarnigan la joogo ay dadkeenu macno la’aan isku dilaan.

Waxaa sidoo kale iyana aan ugu baaqaynaa in maamulada Somaliland, Puntland, Ethiopian Somali State iyo Dowlada Dhexe Federakkuba ay door shariif ah ka qaataan colaadaas sidii loo joojin lahaa ayna xil wayn iska saaraan in aanay coladaasi sii fidin.

Illahay waxa u baryeeynaa in uu colaadaas masiibada ah ee aan if iyo aakhiraba u wanaagsanayn uu inaga qaboojiyo.

Allaa Mahad Leh.

Magacyada Haldoorka Jaaliyada Belgium ee Soomaaliyeed.

1. Abdinasir Xasan Dubad
2. Farxaan Dhoore
3. Abdi Ismail Abib
4. Ismail Guray.
5.Deeq Maxamed
6. Cumar Adan Cali
7. Ahmed Saleeban Kaylac
8. iyo xubno kale oo aad u badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker