Nin hubeysanaa oo isku deyay inuu gudaha u galo qunsuliyadda Mareykanka ee Sacuudiga

Sacuudiga ayaa bilaabay inuu baaritaan ku sameeyo ninkii sitay qoriga ee isku deyay inuu gudaha u galo qunsuuliyadda Mareykanka ee Sacuudiga.

Ninkan hubeysanaa ayaa lagu toogtay bannaanka qunsuliyadda oo ku talla magalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay inuu ninkaasi ka soo degay baabuur isla markaana uu si toos ah u aaday dhanka qunsuliyadda isagoo qori sita.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka, ayaa sheegtay inuusan jirin muwaadin American ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay falkaasi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker