Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo wareejinaya xilka gudoomiyaha Jaamacada Camuud 25 sano kadib

25 sano ka dib Pro.Sir Saleebaan Axmed Guuleed oo wareejinaya xilka gudoomiyaha Jaamacada Camuud.

Professor Saleebaan Axmed Guuleed, oo ka mida aqoon yahannada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, wuxu ku dhashay degmada Jaarre oo ka tirsan deegaanka Somalida Ethiopia 1942 kii.

Wuxu waxbarashadiisii Quraanka ku dhigtay isla Jaarre dugsiga hoosena wuxu ku qaatay degmada Awbarre. Dugsiga dhexe markuu gaadhay wuxu usoo baqoolay magalada Borama isagoo Camuud oo dugsi dhexe iyo sareba lahayd ku qaatay balse qaybtii dambe ee dugsiga sare wuxu ku qaatay degmada Sheekh.

Sanadkii 1964 wuxu waxbarasho jaamacadeed u tagay dalka Maraykanka wuxuna shahaadada Digreega ka qaatay jamacadda Emporia State University. Waxbarashada takhasuska ama daraasaadka sarena wuxu ku qaatay dalka Ingiriiska gaar ahaanna jaamacadda London University.

Intaa ka dib wuxu Prof. Saleebaan noqday hormuudka kuliyadii caanka ahayd ee Lafoole sidoo kale wuxu soo noqday agaasimaha waaxda dugsiyada sare ee wasaaradda Waxbarashada Somaliya.

Ka dib burburkii dalka ee 1991 wuxu tagay Addis Ababa xagaas oo uu ku lug lahaa barnaamijyo horumarineed oo deegaanka Somalida loogu tala galay.

Sanadkii 1996 ayuu kusoo noqday magalada Borama isagoo aqoonyahanno kalena waxay aasaaseen Jaamacadda Camuud oo noqotay tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee laga hirgaliyo waddanka oo dhan ka dib dagaaladii sokeeye.

Wuxu soo saaray kumanaan aqoonyahanno dhalinyar Soomaaliyeed ah oo kasoo kala jeeda dhamaan shanta Soomaaliyeed isagoo gudomiye ka ahaa Jaamacadda min maalintii la aasaasay 25 sano ka hor ilaa maanta oo Jimce ah (Shalqy), 19 bisha Ogos.

Barri (Maanta), ayaa la filayaa inuu wareejiyo xilkii uu hayay muddada rubuc qarniga ahayd. Eebbe haka abaalmariyo shaqadii wanagsanayd ee uu ummadda u qabtay.

Waxa qoray oo xuquuqda qoraalka
Iska leh Xamse Yasin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker