‘Ifkaa La Isku Tudhaaye Iilka La Iskuma Gargaaro’

‘Ifkaa La Isku Tudhaaye Iilka La Iskuma Gargaaro’

Allaha Naxariistii Jano Haka Waraabiyee Madaxweynihii u Horeeyay ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa Khudbaduu u Dambeysay ee uu Ku Maca-salaameeyay Shacbiga Somaliland Kadib Markii uu Kasoo Laabtey Shirkii uu Xilka Madaxweyne Ku Wareejiyay ee Boorama Sanadii 1993kii, Waxa uu Ka jeediyay Fagaaraha Kheyriyada ee Caasimada Hargeysa.

Nuxurka Khudbada Madaxweynihii u Horeeyay ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan ayaa, Waxa uu Ku Suntey, hadalkaasi in Isbadelka iyo Kursiga oo la Isku Wareejiyaa, ay Tahey Mid Hurumar iyo Mustaqbal Fiican u leh Shacabka Somaliland, taas oo ay Kaga bogsanayaan, dhibaatadii, Dagaaladii, Qoxootigii, iyo hagardaamooyinkii Siyaasadeed ee Kasoo Gaadhey Dawladdihii Kacaanka, iyo Kuwii Kale ee Soomaalida Soo Maamulay.

Haseyeeshee, Waxa uu Tiraba laba jeer Ku Celceliyay “inbadan ayaan idin Lahaa Haddii Madaxweynaha hore, Laga horyimaado, oo Taladiisa la Maqli Waayo Waxey u taalaa oo ay Caqabad ku noqonaysaa, Innaan Madaxweynaha Kale Taladiisa Loo Hogaamsamin”.Ayuu yidhi Allaha Naxariistii jano Hasiiyee, Waxaanu hadalkiisa Ku Khatimay in Sidii ku Dhacdey Marar badan aann Loola Dhaqmin Madaxweynihii talada Kala Wareegay Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee taa badelkeeda lala Shaqeeyo isagoo Guud ahaanba Farta ku go,day SNM iyo Garabyadeedii

Madaxweynaha Somaliland ee Talada haya Muuse Biixi Cabdi,iyo Murrashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Mudo Xileedka Xukuumadda, tartankoodii Kadib Waxaa jirtey, in ay si aad ah isugu soo Dhawaadeen islamarkaana, ay Kawada Shaqeeyeen Arimo badan oo Qaranka iyo Shacbigaba Dan u ah dhacdooyinkaasi, oo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe si aad ah ula yaabey Maadaama ay Madaxweynaha Kala fogaadeen (Isaga), Wax Weynina Iska Badeleen Sidii ay Awal hore Isku ahaayeen, Walow Faysal Madalo badan Kula Wadaagey Dad ay Sheekaysteen in ay isku Maqan Yihiin.

Sikasta oo ay tahey, Cabdiraxmaan Cirro Murashaxa Madaxweynaha Waddani iyo Madaxweynaha Qaranku Muuse Biixi Waxa Xadhigoodu Furtey intii Kadambeysay Doorashadii Wakiilada iyo Deegaanka Waxaana Xusid Mudan, in Cabdiraxmaan Siyaasiyiin badan Kaga Duwan Yahey, innuu ahaa Siyaasi soo Qabtey Xil Sare oo Qaranka ah oo Maamuuskiisa iyo Martabadiisaba lahaa Doorshadiisii 49 Xildhibaan oo isbahaysi Mucaarid ah oo Codka Shacabka Kusoo baxey una badnaa Haldoor Xul ah, oo Sharfan Waana Sababta loo Saluugsan Yahey hadaladii ka dhacey ee ahaa “innaad ii dhimanaysaan Ma balanqaadaysaan, iyo Muuse oo aannu Ku lamaanayn innuu yahey Madaxweynihii Qaranka ee huwanaa Sharafta iyo Maamuuska Umada Somaliland, oo aann lagala Masuugi Karrin, Sidoo kalena Taa badelkeeda laga filayey innuu uga Fogaado Sidii uu u Diidey innuu Ku Koobnaado taladii Musdambeedka in uu Kursiga Ku Gaadho, Dhiig u daata,Rabshado iyo Qalalaase Siyaasadeed oo Dalka Ka Dhaca, Maxaa yeelay (Isaga) Cabdiraxmaan iyo (Madaxweynaha) labadoodaba Sharaf ayey u tahey, in ay dhaliilaan oo aanney taladooda Wax Ku yeelan Duqeyda Beelaha ay Kasoo jeedaan taas oo ah Asbaabaha ay wali Cirro Dad badani rajo uga qabaan innuu Fashilinayo Raga Horsocda

Gabagabadii ‘ifkaa la isku Tudhaaye iilka La iskuma Gargaaro’ haddii Madaxweynuhu Noqdo Kalidii Taliyaha ugu halka Adag Dunida Wali Wuxuu Maamuuskii Qaranka Somaliland nin Kala Maduugeyna Ma aha Siyaasi.

SAXAFI Cabdiraxmaan Hiiraan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker