Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo ka dareen-celiyey Guushiisa Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa
Waxa uu Farriin u diray Murashaxiintii ku guul-darraystay inay ku soo baxaan Doorashada
Hargeysa (OWN)- Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo ka mid ah murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee ku soo baxay Doorashada Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aaddan guusha uu ka gaadhay Doorashadii goleyaasah deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoontay 31-kii Bishii May 2021.
Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi ayaa ka soo dhex-baxay 17 murashax oo Xisbiga Kulmiye ugu loolamay Golaha Deegaanka Caasimadda, isla markaana ku soo baxay kaalinta 4aad ee murashaxiinta Xisbiga oo ku helay 6,605 Cod, taas oo ka dhigtay inuu noqdo murashaxa shanaad ee ugu codka badan Xildhibaannada ku soo baxay Golaha Deegaanka Hargeysa.
Haddaba, Xildhibaan Jamaal Cismaan oo maanta la hadlay warbaahinta, waxa uu ugu horeyn farriin mahad-naq iyo hambalyo xambaarsan diray guud ahaan Shacabka Somaliland ee ka qayb-qaatay Doorashada, gaar ahaanna taageerayaashii codkooda siiyey.
Hadalka Xildhibaanka iyo Farriimaha hambalyada iyo dar-daaranka xambaarsan ee uu u diray Shacabka Hargeysa iyo Murashaxiintii tartanka Doorashada ku hadhay, ka daawo Muuqaalka Hoose