Wasiiro ka Tirsan Kenya Oo loo Haysto Inay Qorshe Dil ah U Maleegayeen Madaxwayne kuxigeenka Dalkaasi.

Wasiiro ka tirsan dowladda Kenya ayaa beeniyay inay wadeen qorshe lagu dili rabay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, Sida uu ku warramay wargeyska The Standard,

Saddex wasiir oo uu ku jiray Wasiirka ganacsiga Kenya Peter Munya ayaa looga yeedhay xarunta dambi baarista si wax looga weydiiyo eedeymaha sheegaya inay u hanjabeen madaxweyne ku-xigeenka, iyagoo sidoo kale mas’uuliyintani loo heysto inay yeesheen kulan qarsoodi ah oo ka dhan ah madaxwayne kuxigeeenka.

“Waxaan caddeynay inaysan jirin goob aan kulan qarsoodi ah ku yeelanay, oo ku saabsan arrintaas” ayuu yiri wasiirka Ganacsiga Munya.

Sababta ay dilka ugu maleegayeen wasiiradan la eedeeyey ayaa lagu sheegay inay doonayeen inay hor istaagaan dadaalada Madaxweyne ku-xigeenka ku doonayo inuu u tartamo doorashada madaxweynaha ee dalkaas ka dhaceysa sanadka soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker