Arrinta ku saabsan Soomaaliya ee lagu heysto Ra’iisul Wasaaraha Hindiya

Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa maanta ka qeyb galaya isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacaya gobolka Kerala oo ay dhawaan doorasho heer goboleed ah ku soo fool leedahay, laakiin qaar ka mid ah shacabka daggan halkaas ayaa dib usoo gocday hadal ay qoonsadeen oo uu Ra’iisul Wasaaruhu yidhi xilligii ay dhaceysay doorashadii ugu dambeysay ee 2016-kii.

Modi ayaa 2016-kii isagoo dhaliilaya xisbiga talada gobolka hayay waxa uu xaalado ka taagnaa deegaankaas la barbar dhigay Soomaaliya, taas oo cadho weyn kicisay.

Hadal heyntaas ayaa mar kale dib usoo cusboonaatay markii uu ku laabtay gobolka, si uu maanta oo Jimce ah khudbad ugu jeediyo shacabka, maadaama uu taageero uga raadinayo xisbigiisa.

Baraha Bulshada ayay mar kale dib ugu soo labo kacleysay arrintan. Dastuurka Hindiya ayaa kasoo hor jeeda in Ra’iisul Wasaaraha federaalka uu jeediyo hadallo ka dhan ah ismaamul goboleedyada, sida ay shaacisay warbaahinta PTI ee dalka Hindiya.

 

Qoraal lasoo galiyay Twitter-ka oo ay PTI uga hadashay dastuurka iyo hadallada Ra’iisul Wasaaraha ayaa si xowli ah loogu fal celiyay iyadoo dib loo gocanayo oraahdii Modi kasoo yeertay 2016-kii.

Doorashada baarlamaaniga ah ee gobolka Kerala ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 6-da bishan April, oo ay naga xigaan dhowr maalmood oo kaliya.

Xisbiga talada haya ee BJP oo uu hoggaamiyo Modi ayaan taageero ballaaran ku lahayn aaggaas, waxaana uu Ra’iisul Wasaaruhu u xusul duubayaa in ay kuraas dheeraad ah ka helaan doorashadan.

Muxuu ahaa hadalkii uu 2016 yidhi Modi?

.

Isu soo bax ballaaran oo uu bishii April, 2016 ku qabtay gobolka Kerala ayuu Narendra Modi ugu ololeynayay xoojinta taageerada siyaasadeed ee BJP markii uu jeediyay hadalka laga cadhooday.

Isagoo muujinaya inuu ka walaacsan yahay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanno ka mid ah gobolkaas ayuu dhaleeceyn u jeediyay siyaasiyiinta uga taageerada badan halkaas.

“Xaaladaha ku saabsan dhimashada Carruurta ee laga soo tabiyo Beelaha gobolka Kerala waxay ka naxdin badan yihiin xitaa kuwa Soomaaliya. Dhawaan, waxaa la arkay sawir argagax leh oo lagu shaaciyay warbaahinta.

“Magaalada Peravoor, oo loo arko saldhigga xisbiga hanti wadaagga, mar walbana ay doorashadeeda ku guuleystaan, waxaa lagu arkay carruur gaajeysan oo qashinka raashin ka dhex raadsanaya… waxay kasoo muuqdeen warbaahinta,” ayuu yidhi Modi.

 

.

Wuxuu noqday hadal xasaasi ah oo ay dadka qaar ka xumaadeen.

Durbadiiba waxaa baraha bulshada ku faafay hal ku dhigyo lagu canbaareynayo hadalka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo siyaasiyiinta kasoo hor jeeda iyo shacabka gobolka qaarkood ay ku andacoonayeen in uu Modi si khaldan isu barbar dhigay arrimaha ka jiray gobolkaas iyo kuwa Soomaaliya.

Muuqaallo maadeysi ah ayaa sidoo kale la iskula wadaagay baraha bulshada iyo warbaahinta dalkaas.

Madaxda gobolka ayaa Ra’iisul Wasaaraha u qoray warqad ay ugu sheegayaan in hadalkiisa laga carooday, shacabkuna ay ka fal celiyeen.

Waxaa lasoo tabiyay in xisbigiisa uu hoos u dhac weyn kala kulmay doorashada, kuraastii uu rajeynayayna uusan helin, inkastoo aysan jirin caddeymo isla xiriirinaya guul darrada iyo hadalka la qoonsaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker