Soomaaliya oo muwaadiniin kasoo daad-gureysay Sudan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo daad-gureysay qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa dalka Sudan, oo uu ka socda dagaal u dhaxeeya laba Jeneraal oo isku haya awoodda.

Muwaadiniinta lasoo daad-gureeyey, oo gaaraya 18 qof, ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda, muwaadiniinta lasoo daad-gureeyey ayaa laga soo qaaday magaalada Buluja ee xuduudda Sudan ay la wadaagto Koonfur Sudan.

Ku-simaha xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Cabdiraxmaan Nuur Diinaari ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dadkan ay diyaarad qaas ah, oo ay leedaha dowladda Kenya, kasoo qaaday dalka Koonfur Suudaan.

Diinaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Sudan.

Dagaalka Sudan, oo billowday 15-kii April, ayaa mar kale xalay dib u qarxay, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay.

Dagaalka ayaa xaafadaha shacabka ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa dilay 459 qof, wuxuuna dhaawacay 4,000.

Kooxda amniga qaranka ee madaxweynaha Mareykanak Joe Biden ayaa weli wada-hadallo la leh labada Jeneraal ee iska soo horjeedda ee dagaalamaya, si dagaalka loo soo afjaro oo gargaar bani’aadannimo loo gaarsiiyo shacabka, waxaa sidaas Talaadadii sheegay afhayeenk Aqalka Cad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker