War-Murtiyeed Laga soo saaray Carwada Shaqo Abuurka Burco
Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL waxa ay soo abaabushay Carwada Shaqada – 2022, oo ka qabsoontay gobolka Togdheer, magaalo madaxdiisa Burco. Carwadani waxa ay socotay muddo laba maalmood ah oo ku beegnayd 30th – 31st July 2022. Carwadani waxa ay kulmisay in ka badan 30 loo-shaqeeye oo isugu jira shirkado, baanan & hay’ado maxali ah & kuwo calami ahba & dhalinyaro shaqo doon ah oo ka badan 2, 000 oo dhalinyaro shaqo doon ah. Ujeedooyinka guud ee carwadan loo agaasimaya waxa ka mid ah; in la isu-xidho dhalinyarada shaqo doonka ah & loo-shaqeeyaha; si loo abuuro fursado shaqo-gelin, shaqo-carbin, maalgelin & xogo la xidhiidha suuqa shaqada. Carwada waxa ka soo baxay war-murtiyeedkan:
1. Carwada Shaqadu waxa ay u mahadnaqaysaa dhamaan shirkadihii, jaamacadihii, hay’adihii & bangiyadii sida muga leh uga qayb qaatay muddadii ay carwadu socotay.
2. Carwada Shaqadu waxa ay sidoo kale, bogaadinaysaa maamulka & madaxda heer gobol & heer degmo ee gobolka Togdheer kaalintii ay ku lahaayeen qabsoomida carwadda. Dhinaca kale, carwaddu waxa ay u mahad-naqaysaa maamulka & shaqaalaha Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee soo abaabulay; suurrto-geliyayna in ay carwada shaqadu si guul ah u qabsoonto.
3. Muddadii ay carwadu socotay waxa la soo bandhigay fursado shaqo, shaqo- carbin, maalgelin hal abuur ganacsi & xogo ku saabsan suuqa shaqada.
4. Carwadu waxa ay ku baaqaysaa in dhalinyaradu ay bartaan xirfadaha farsamada gacanta oo wakhti-xaadirkan suuqa shaqada looga baahan yahay; sidoo kale, carwadu waxa ay ku boorinaysaa dhalinyarada shaqo doonka ah in ay ka faa’idaystaan tignoolajiyadda si ay qayb uga noqdaan suuqa tignoolajiyadda ee aduunka.
5. Carwadu waxa ay boorinaysaa shirkadaha, bangiyada, hay’adaha & goobaha kale ee shaqoo in ay kor u qaadaan fursadaha shaqo-carbineed ee dhalinyaradda si waafaqsan Siyaasada Shaqo-carbinta Qaranka.
6. Carwadu waxa ay ku dhiirigelinaysaa dhalinyaradda shaqo-doonka ah in ay u jeestaan hal-abuurka firkaraddaha ganacsiga si ay u helaan maalgelin ganacsi.
7. Carwada shaqada waxa fursado ka helay 87 dhalinyaro shaqo doon ah oo isugu jira wiilal & gabdho.
8. Carwadda shaqada waxa sidoo kale, shaqo-carbin ka helay dhalinyaro gaadhaysa 825 dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal & gabdho.
9. Carwadan waxa maal-gelin hal abuur ganacsi ka helay 150 dhalinyaro ah oo loo maalgelin doono hal abuurka fikradaha ganacsi ee ay la yimaadaan.
10. Ugu dambayn, carwadu waxa ay si balaadhan ugu mahad-naqaysaa dhalinyaradda gobolka Togdheer oo si miisaan, dhaqan-wanaag & xadaarad leh uga qayb qaatay mudadii ay carwadu socotay.
DHAMAAD!