Dowlada Somaliya Oo Xaflad Raali-galin ah ku Maamuustay Shiikh Umal.(Sawirro)

Waxaa Shalay Galabtii  lagu qabtay Hotelka Royal Palace ee magaalada Muqdisho Xaflad balaadhan oo lagu soo dhoweynayey Shiikh Maxamed Cabdi Umal  oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed kuwooda waaweyn kaasoo maalmahan ku sugnaa caasimada dalka ee Muqdisho.

 

Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha diinta ee xukuumada Somalia ayaa soo agaasintay xafladan lagu soo dhaweynayay Shiikh Maxamed Cabdi (Umal) oo baajiyey galabta muxaadaro uu ku qaban lahaa garoonka Eng, Yariisow Stadium ka dib markii ay hor yimaadeen wadaadada Suufiyada oo uu horkacayey Shiikh. C/qaadir Soomow.

 

Xaflada waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiirka Owqaafta iyo arimaha diinta, qaar ka mid ah culumada Soomaaliyed iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

 

Masuuliyiinta iyo xubnaha ka hadlay goobta ayaa ku dheeraaday halganka uu Shiikh Umal u soo galay fidinta dacwada islaamka kaasoo ay sheegeen iney sababtay sumcada iyo karaamada uu ku leeyahay bulshada, iyagoo intaas ku daray in Shiikhu had iyo jeer isku xil saaro sidii uu gacan uga geysan lahaa dhibaatooyinka la soo gudboonaada bulshada Soomaaliyeed sida abaaraha, iyo fatahaadaha.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ka mahad celiyey sida weyn ee loogu soo dhoweeyey masuuliyiin iyo shacaba, isagoo xusay in shacabka Muqdisho ay yihiin dadka ixtiraama culimadooda, isla markaana jecel diintooda.

 

“Waxaa ayaan-darro ah ninka maanta leh Sh-Umal ayaa fatwadiisa lagu laayey wiilal Soomaaliyeed, haddaan dhiiggooda baneeyey ummadda Soomaaliyeed uma soo gurmadeen, Waan idin kaga mahad celinaa soo dhaweyntiina ismana lihi Xamar ayaa lagugu takooray mana jirto xumaan iyo cuqdad aan u qabo dadka reer Muqdisho mana qabo inaad raalli galin i siisaan” ayuu yiri sheikh Umal.

 

Sheekha oo sii hadlaya ayaa sheegay inuu isagu joojiyey muxaadaradii uu jeedin lahaa, iyadoo madaxda qaranku ku adkeysanayaan in la qabto isagoo xusay inuu cafiyey Shiikh Soomow iyo intii isaga Ku geftay.

“Aniga ayaa  dalbaday in la joojiyo Muxaadarada intii dhiig qof muslim ah ku daadan lahaa iyadoo Madaxweynaha iyo madaxda Qaranku ay ku adkeysanayaan in la qabto, marka wadaadkii iyo intii ku faker ah ee ii gaftay waan cafiyey iyo guud ahaan Umada Soomaaliyeedba” ayuu intaas ku daray Shiikh Umal.

Halkan ka Daawo

         

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker