UJEEDO BAAHIN :URURKA XOOJINTA QARANIMADA SOMALILAND

Sida idiinka muuqata afarta eray ee kor ku xusan kuwaasoo u taagan ujeedada iyo hadafka loo aas-aasay Ururkan marka lasoo gaabiyana u qormaysa U.Q.X .SL .

Macnayn guud Kalmada *Urur waxa ay u taagan tahay dad garab iyo gaashaanba isasiinaaya * Xoojin waxay u taagan tahay ,garab istaaga gooni isutaaga Somaliland  *Qaranimo waxay u taagan tahay, astaan iyo Dawlad nimo aan la kala lahayn *Somalilaana waa magacii Dalka taasoo Diinta iyo dadkaba u adeegaysay.

Ururkan UXQSL ujeedada loo  aas-aasay waxa ay tahay  ilaalinta nabadaynta iyo isusoo jiidka dad waynaha somaliland hadiiba ay dhex marto isfahamdaro iyo isfahamwaa dhexdooda ka dhashay ,taaso loo adeeg sanaayo xigmad iyo hadalwanaagsani, Waxa kaloo ururku u taagan yahay taakulaynta iyo gargaar u fidinta dadka tabalaysan intii karaankooda ah

 Aqoonyahanka ururka ku bahoobay waa kuwo ku kala nool dunida dacaladeeda, sidaasoo ay tahay hadana waxa aad moodaa in ardaa Geel Caano ku wada cabayaan iska warhaynta iyo isweheshiga ka dhaxeeya awadii.

Ururkan cidkasta oo la jaanqaadi kartaa waa ay ku soo biiri kartaa ,marka laga reebo qoom iyagu si dadban iyo si toosaba uga soo horjeeda qaranimada iyo wada jirka Somaliland.

Ururku waxa uu dhawaan doortay Gudiyo ka hawl gali doona huru marka ururka iyo garab istaaga qadiyada Somaliland

MAGACYADA GUDIDA

1.khadar ibrahim Aar  Gudoomiye

2.Saamiya Maxamed Ismaciil (Saamiya Fiishar) G/Xigeen

3. Mire Ismaciil Aadan , X/Guud ee ururka

4. Nimcaan Maxamed Daba-ka’eri  ,Afhayeenka Ururka

5. Sucaad Cali Yuusuf , Khasnajiga

6. Kawsar Aadan Muxumed Xubin ahna gudida anshaxa.

7. C /Qaadir Cali Xasan, Xubin G anshaxa ah.

8. Siciid Ismaciil Muuse, Xubun G Anshaxa ah.

                                  ALLAA MAHAD MEH

 

 

Khadar Aar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker