Colaada Ceel Afwayn Xukuumadda, Culimadda Iyo Ergooyinku Xaqiiqadda Dhabta ah Ee Lagu Xalin Karo Waa Laga Warwareegayaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Allaah(Swt) Wuxuu Caqliga Inoo Siiyey Inaynu Wixii

Wanaagsan Iyo Wixii Xun Ku Kala Garano, Gartana Dawadeeda

Laga War Wareegin!!!!!!!, Colaadaas Ceel Afwayn Ee Sadex Jirsatay, Siday Tahay Marna Looma Xalin,
Colaadda Iyo Nabaddana Waxay Ka Go’daa Reer Miyiga Bilaa Diinta Ah Ee Isu Laynaya Diin La’aanta Qabyaaladda Ku Dhisan, Dhiigoodana Beeliba Beesha Kale Ay Ku Xalaashanayaan!!!!!!!!!!!!!!.

Colaadda Iyo Nabadda Ceel Afwayn Waxay Ka Go’daa Maleeshiyadda Qabaailka Aabayaashood, Adeeradood, Walaaladood, Ilmaadeeradood Oo Gogosha Nabadaynta La Keeno, Wixii Dhimasho, Dhaawac Iyo Hantiba Ay Kala Qabaan Loo Kala Xakho, Yagoo Wayso Qabana Min Konton Nin La Dhaariyo, Beeliba Deegaanka ay ku badan tahay u Guurto, Dhul Daaqsimeedka, Baliyadda iyo Ceelashana Loo Kala Calaamadeeyo, Labadda Beeloodna Ay Ku Heshiiyaan Qofkii Qof Inaga Dila Inaynu Isu Soo Dhiibno, Balse Aan Loo Gacan Gelin Dawladda Qisaastii Ilaahay Ku Gaaloowday!!!!!!

Colaadda Iyo Nabadda Ceel Afwayn Kama Go’do Odayaal Caloolo Waawayn Ee Laga Kala Keeno Hargaysa, Burco, Ceerigaabo Iyo Imaaraadka Carabta, Oo Ay Hayb Guud Wadaagaan Maleeshiyooyinka Diin La’aanta Isu Laynaya, Odayaashaas Markii Todobaad La Dhaariyoow, Quraankii Kariimka Waxaad Ka Dhigateen Buug Gacanta La Saaro, Haddii Aad Diin Leedihiin Oo Damiir Muslim Leedihiin, Oo Aad Tihiin Kuwo Ashahaata, Oo Salaada, Oo Bisha Ramadaan Sooma, Oo Xajka Allaah(Swt) Ku Waajibiyey Guta, Oo Zakadda Bixiya, Ma Waxaad Garan Waydeen Allaah(Swt) Qalbiga Idiinka Madoobeeyee!!!!!!!,  Waar Culimooy, Waar Ergooy, Waar Xukuumadeey Colaadda Iyo Nabadda Ceel Afwayn Waxay Ka Go’daa Maleeshiyooyinka Aabayashood, Adeeradood, Walaaladood, Ilmaadeeradood, Balse Nabadda Iyo Colaadda Ceel Afwayn Kama Go’do Kuwayagan Caloolaha Waawayn Leh, Anagana Waxaad Naga Taqaanaan Inaanu Idiin Fududayno Sidii Aanu U Soo Ladqabayn Lahayn Maleeshiyooyinka Xidhayaashooda, Go’goshana U Keeni Lahayn!!!!!!!!!!!.

Xukuumadda Muuse Biixina Waxaa La Gudboon In Maleeshiyooyinka Reer Miyiga Ee Labadda Beelood La Qarameeyo, Lagana Dhigo Ciidamo Qaran, Tababar adag Oo Sanad Ah Loogu Soo Xidho Xarunta Tababarka Milateriga Ee Darar Wayne  Ee Gobolka Maroodi Jeex!!!!!!!!.

Xukuumadda Muuse Biixi Waxaa La Gudboon inuu sida ugu Dhaqsaha badan Ciidamadda Milateriga Ku Saaro Daalinka Jabhadoobay Isagoo Sarkaal Milateri ah Ciidamadda Qaranka Ka Door biday Nidaam Qadhmuun Oo Qabyaaladeed Oo Laga Soo Gudbay 1992, Caaraha Jabhadda Samaystay Haddaan Sida Ugu Dhaqsaha Badan Lagu Saarin Milateri, Oo Haddii Ay Is-dhiibi Waayaan Madaxa Laga Toogan, Tobanka Gaadhi Ee Qoryuhu Saaran Yahayna Gacanta Lagaga Dhigin, Ama Laga Gubin, Oo La Suma Salaaxo Xukuumadduna Ay Ka Warwareegto Waxaa Imanaysa Ciidamadda Milateriga, iyo Boolisku Ay Ku Biiraan Kana  Barbar Dagaalamaan Beelahooda

Culayska Lagu Hayo Ee La Leeyahay Beelaha Hargaysa Ka Deegaanka Ah Ayaa Wax na yeeli kara, Waxaana Iman Doonta Wakhti Ciidamadda Milateriga Ee FURINTA Hore  ee TUKO RAQ Joogaa Ay Xuduudka Soo Baneeyaan Ciidamkastaana uu Yimaado Deegaamaddii uu Ka Soo Jeeday Yagoo Wata HUBKA Culus iyo Hubka kale Noocyaddiisa kala Duwan Allaah(Swt) Inaguma Keenee!!!!!!!!!.

Xukuumadda M/wayne Muuse Biixi Waxaa La Gudboon Danteeda, Dawadeeda If Iyo Aakhiraba Ay Ku Jirtaa Inuu Allaah(Swt) Raali Geliyo, Kana Xoroobo Qalbiga Gaaladdu Ka Gumaysteen Ee ah Inaan Shareecadda Islaamka Laysku Xukumi Karin, Waa Inuu Muuse Biixi Allaah(Swt) Uu Talo Saarto, Kuna Dhawaaqo Ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka, Gacan Ku Dhiiglayaasha Xabsiyadda Buuxiyeyna Ee Maxkamaduhu Ku Xukumeen Xukun Dil Ahna Sida Ugu Dhaqsaha Badan Ku Fulisid Qisaas!!!!!!!.

Mudane M/wayne Muus Biixiyoow Haddii Aad Ka Dhabaysid Ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka, Allaah(Swt) Raxmadda Samadda, Raxmadda Dhulka, Raxmadda Badda, Raxmadda Buuraha Wuu Inoo Furayaa, Oo Jin Iyo Insiba Shareecaddaas Islaamka Ee Jamhuuriyadda Somaliland Laga Dhaqan geliyey ayey u soo wada hayaami doonaan, Allaah(Swt) Gaaladdana Wuxuu Ku Ridayaa Rubci, Argagax, Bakhdin, Oo Waxay Inoo Noqonayaan Adoomo Calankeena Hadhsada Oo Aan Dhibaato Inagu Hayn Insha Allaah.

 

 

Qalinkii: Saxafi Madax Banaan Qoraa: Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood C/wayn  Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker