Masjid Ku Yaala Dalka Turkiga Oo Salaadda Taraawiixda dib u billaabaya 88 sano ka dib

Salaadda Taraawiixda ayaa dib looga bilaabaya masaajidka Hagia Sophia ee Istanbul markii ugu horeysay muddo 88 sano ah, sida uu shaaciyay guddiga sare ee diimaha ee dalkaasi.

“Ilaah ayaa mahad iska leh, markii ugu horeysay muddo 88 sano ah, masaajidku… wuxuu mu’miniinta ku soo dhaweynayaa salaada taraawiixda bishan Ramadaan,” ayuu yidhi Cali Erbas oo ah madaxa Diyanet, oo ah hay’adda dadweynaha ee u xilsaaran kormeerka cibaadada diinta.

“Waxaan marqaati ka noqon doonaa haddii Alle idmo xilligaan quruxda badan oo aan tujinayo salaadda taraawiixda ee ugu horreysa,” ayuu hadalkiisa ku daray. ‘’Ducada ayaa ka dhici doonta Hagia Sophia maalmaha Jimcaha, sabtida iyo Axada inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, oo bilaabanaysa usbuucan, ayuu yidhi Diyanet.’’ Dhismahaasi taariikhiga ahi ayaa waxa uu ku yaal degmada Fatih ee magaalada Istanbul.

In kasta oo dhismihan caanka ah, oo horey madxaf ahaan loo isticmaali jiray, masaajid laga dhigay sannadkii 2020, balse cudurka faafa ee Coronavirus ayaa sababay in taraawiixda aan lagu tukan

 

 

 

 

 

 

 

 

Source: https://www.hurriyetdailynews.com/hagia-sophia-mosque-to-hold-first-tarawih-prayer-in-88-years-172626

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker