Telefishanka KTN ee Kenya oo ka Warramay Doorashooyinkii ka Qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland.

Telefishanka KTN ee dalka Kenya ayaa warbixin ka diyaariyey Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka ee shalay ka qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay qaar si nabadgelyo ah oo dimuqraadiyad ah u qabsoomay.

Warbixinta Telefishanka Kenyan Television network (KTN) oo si qoto-dheer uga warramay marxaladihii doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa KTN u sheegay in doorashooyinku yihiin tartan la mid ah sida kubadda cagta, waxaanu tilmaamay inay rajaynayaan inay guulaystaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa Telefishanka KTN u sheegay in doorashooyinka Somaliland ay ka wanaagsan yihiin inta badan dalalka Afrika iyo kuwa dunida saddexaad.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa doorashooyinka isku sidkan ee shalay dalka ka dhacay ku sifeeyey qaar isbeddel cusub ay ka filayaan.

Telefishanka KTN waxa kaloo uu soo xigtay madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga ugu baaqay inay si nabdoon cidda ay jecel yihiin ugu codeeyaan, waxaanu madaxweynuhu xusay in beesha caalamku ay daawanayso sida ay Somaliland uga gudubto doorashooyinkan isku lammaan.

KTN wuxuu wuxuu si qoto-dheer uga warramay nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo xasiloonida Somaliland ay ku naaloonayso soddonkii sannadood ee ay xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya. Waxaanu tilmaamay in Somaliland dedaal ugu jirto sidii ay beesha caalamka uga kasban lahayd aqoonsi caalamiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker