Sarkaal Ka Tirsan Booliska Soomaaliya Oo isku Daldalay Magaalada Muqdisho

Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed,oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Booliska Somaliya ayaa saaka  isku daldalay Xerada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab.

Sarkaalkan ayaa xadhig qoorta gashtay kadibna is dilay, ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ay jireen daruufo lana aaminsan yahay in ay ku keentay in uu is dilo.

 

Dadka Deegaanka ayaa iskugu soo baxay goobta Waxaana xilliga uu isdilayay uu xidhnaa Darajadiisa Gaashaanle Dhexeda ah.

 

Waxaa la sheegay in ninkan oo degenaa dhismo Booliska uu leeyahay maalmo kahor lagu amray inuu ka guuro, arrimahaasina loo badinayo inuu isku dilay.

 

Ilaa hadda Saraakiisha Ciidanka Booliska faah faahin dheeraad ah kama aanay bixin is dal dalaada Sarkaalkan Booliska ah.

 

Dhacdadan oo reebtay tiiraanyo ayaa aad looga hadal hayaa Magaalada Muqdisho, waxaana maalmahan dambe soo badanayay dhacdooyina argagaxa leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker