Diyaarado Drone Ah Oo Weeraray Goobo ka mida Dalka Boqortooyada Sacuudiga

Ciidamada difaaca hawada Sacuudiga ayaa maanta sheegay inay qabteen laba diyaarad oo drone ah oo ay kusoo weerareen Xuutiyiinta dalka Yemen, sida ay werisay wabahainta dowladda, xilli maleeshiyadan shiicada ah ay kordhiyeen weerarada ka dhan ah boqortooyada.

Diyaaradahan ayaa beegsaday magaalada Khamis Mushait ee koonfurta dalka Sacuudiga, hase yeeshee ma sababin wax khasaare nafeed ah ama waxyeelo, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakalaadda wararka Sacuudiga ee SPA, oo kasoo baxay isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa taleefishinkooda Al-Masirah ka sheegtay inay beegsadeen saldhigga ciidmada cirka ee King Khalid ee magaalada Khamis Mushait.

Weerarkan ayaa yimid xilli ay wakaaladda warraka SPA werisay in isbahaysiga Sacuudiga ay kordhiyeen weerarada cirka ee lala beegsanayo goobaha Xuutiyiinta ee gobolka Hajjah ee waqooyiga Yemen.

Dagaalka Yemen ee Sacuudiga uu hoggaamiyo oo socda in ka badan afar sano ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, oo badankood ay yihiin dad rayid ah, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka, waxaana ka dhashay cambaareyn caalami ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker