Wakiilka Imtixaanka W/Q: Abdifataah M.Ahmed

Muddo badan markaad aheyd imtixaan illaaliye(Invigilator) su,aalo badan ayey maskaxdaadu is weyddiineysaa,siddoo kale Imtixaan illaaliye kasta waxa laga rabaa in uu bulshadda la wadaaggo waayo-aragnimada  Shaqadani.Imtixaannka waxa la gallayaa lana billaabayaa cabbaaro 8:00 Subaxnimo,Qof kastaa wuu og yahay oo Cod dheer ayaa loogu sheegay Saacadda,Ardeyda iyo Macallimiinta Horjoogayaasha Imtixaankuna waxa ay ku soo qulqullayaan Hoolka iyo goobta Imtixaanka loogu ballansan yahay,Buuqa iyo Cagta Ardeyda ayaa isa soo tareysa,Shanqadha iyo Jabaqda Kabahooda dhex Socda Fasallada ee kolna sii galaaya Marna ka soo baxaaya ee ku mashquulsan kala ogaanshaha fasallada imtixaanka ayaa la dareemayaa.marka la gaadho goortii imtixaanka,Fasal walba ardeyda loogu tallo gallay ayaa geli doonta,Macallin kastaana Dufcadda iyo fasallada uu alaaba illaaliyo inta badana ku qoran yahay ayuu tegi doonnaa.

 

Maqsinka Imtixaanka lagu qaadayaa waa in uu heli karaa Iftiin ku filan Waa in uu leyahay Maraxawadd, Albaabo si waafi ah looga bixi karo, Daaqado fasalka siiya hawo  Nadiifa,kuraas iyo Miisas Dhammeystiran oo qaadi karta Ardeyda imtixaanka galleysa ee loogu tala galay,sabbuuradda iyo Goob cabbitaan biyood intaba.Shanqadha Maraxawadda wareegeysa  marka laga taggo,Jabaqda warqaddaha ardeydu ay haddba dhinac u rogonayaan ayuu maqlayaa illaaliyuhu Marka Imtixaanka la qeybiyo,qallinka warqadda miiska saaran sida  adag ugu qormaaya ayuu maqlayaa,Iskiisada,xurufufleyda iyo Qaraaca Mushiinka Xisaabaadka (Calculators) ayuu dhaggeysanayaa.Marar badan waxa buuq ku soo cellinaaya fasalka imtixaanka lagu gellaayo ee aamusnaa,ardey imtixaanka ka  soo daahdey  soona habsaantey  oo la soo daayey,jawiga cussubna wuxuu karti iyo hawl isku dirrid intii horre ka badan ku sababayaa illaaliyaha(Proctor) si uu shaqo intii horre ka badan u qabto,xilligani Wuxuu illaalinayaa ardeydii horre,wuxuu kuraas u dhigayaa ardeyda timi,wuxuu alaabtii ay siteen ka qaadaya kuwa yimi oo uu hubinayaa,wuxuu bakhtinayaa telefoonkoodi gacanta,wuxuu dhawrayaa xasilloonidii fasalka iyo aamuskii,wuxuu dhawrayaa habeynta nidaamka imtixaan gelida ee fasalka, si uu hawshiisa uga soo dhallaalo.

 

xilliga imtixaanka la qorraayo Ardeyda iyo Horjoogayaashaba (Exam Proctors) waxa lagu tilmaamma Maxbuusyo xidhan,Wakiilka imtixaanka waxa waajib ka saaran yahay la socodka ardeyda inta ay imtixaanka ka shaqeynayaan mana bixi karo,Ardeyduna waxa ay ku xabisan yihiin fasalka oo Jeel(Jail) uga dhiggan inta ay  ka shaqeynayaan imtixaannka,macallinka qaabilsan illaalinta fasalka waxa laga rabaa dhanka kale,in uu dhaqaaq badan iyo socod(Patrol) badan la yimmaado inta lagu jiro hawsha fullinta dhawrida illaalinta imtixaanka si uu hawshii loo xilsaarey u fuliyo,Waayo socodka badan ee fasalka dhexdiisu wuxuu macallinka u sahlaa ka warheynta dhaqdhaqaaqa ardeyda,Waxa u sii weheliya Dhawrida saacadaha imtixaanka si aaney wakhtigii loogu talo galay u dhaafin,waxna looga tagin,soo dhaweynta kormeerayaasha sarre ee imtixaanka iyo qadarintooda.

 

La soco Qeybta Labaad…………………………………….

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker