Shirkii u danbeeyay ee Guddida fulinta Xisbiga Waddani oo maanta qabsoomay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta guddoomiyay shirkii u dambeeyay ee Guddida Fulinta Xisbiga oo ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga.

Fadhiga Guddida fulinta waxa warbixin ku saabsan shirweynaha labaad lagaga dhegaystay Guddida Qaban-qaabada shirweynaha waxaanu guddoomiyaha guddida Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) sheegay in hawlaha shirweynuhu si habsami ah u socdaan.

Sida oo kale waxa Guddida Fulinta loo akhriyay wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka Xisbiga wa xaanay Guddida Fulintu cod aqlabiyad ah ku meelmarisay wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Xisbiga oo Shirweynaha 2-aad ee Xisbiga lagu ansixinayo 15-16 Nocember 2021.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker