Al-Shabaab Oo Madaafiic Ku Riday Saldhig Ku Yaala Gobalka Waqooyi barri ee Dalka Kenya

Wararka ka imaanaya Magaalo Xeebeedka Lamu ee Gobalka Waqooyi barri ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen Saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degaan lagu magacaabo Meraraani.

 

War ka soo baxay Al- Shaabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in dhowr madaafiic ay ku weerareen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Kenya, islamarkaana waxaa ay tilmaameen in khasaaro ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhigaasi.

 

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda Shabaab ay ku garaaceen deegaanka Meraraani.

 

Dhanka kale Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan Deegaanka Meraraani.

Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay ku dagaalamayeen Magaalada Xeebeedka lamu ee Dalka Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker