Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britain Oo Lagu Dhaliilay Geerida ilmo- yar Ay Dhashay Shamima Begum

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain, Sajid Javid ayaa waxaa soo foodsaartay dhaliil la xiriirta geerida wiil yar oo ay dhashay Shamima Begum oo ku dhintay xero qaxooti oo kutaal dalka Suuriya.

Ms Begum ayaa ayadoo 15 jir ah ku biirtay kooxda la baxday Dawladda Islaamka. Mr Javid ayaa dhalashadeedii kala laabtay kadib markii gabadhaas dhowr iyo toban jirka ah ay codsatay in ay kusoo laabato Britain.

Qof saaxiib la ahaa qoyska gabadhaas ayaa sheegay in xukuumadda UK ay ku guuldarraysatay in ay badbaadiso nolosha canuggaas, ayadoo xisbiga Shaqaalaha ee dalkaasna uu sheegay in geeridiisu ay ahayd natiijo ka dhalatay go’aan qallafsan oo bini aadannimada ka baxsan oo ay qaadatay xukuumadda Britain.

Afhayeen u hadlay xukuumadda UK ayaa sheegay in geerida canuggaas ay ahayd “musiibo”.

Afhayeenka ayaa sheegay in xukuumaddu ay si joogto ah ugala talisay in aanay u socdaalin Suuriya, ayna sii wadi doonto inta karaankeed ah in ay dadka ka horjoogsato in ay ku biiraan kooxaha argagixisada ah iyo in ay u safraan goobaha uu khilaafku ka taagan yahay.

Ms Begum, oo UK ka tagtay sanadkii 2015 ayadoo ay weheliyeen labo saxiibadeeda Iskuulka ah, ayaa bartamihii bishii hore ee February waxaa arkay wariye u shaqeeya Wargayska The Times ayadoo ku sugan xero qaxooti oo kutaal Suuriya.

Waxa ay sheegtay in ay la noolayd saygeeda, oo u dhashay dalka Holland, una dagaallama Kooxda IS, waxaana haweenaydaas horay uga geeriyooday labo carruur ah waxayna u aanaysay geerida carruurtaas xaalado caafimaad xumo.

Ms Begum, oo leh uur sagaal bilood ah, ayaaa Wargayska u sheegtay in a aanay ka qawmamaynayn kamid noqoshadii Ururka IS, hase ahaatee ay dareemayso in Khilaafadaas uu gabbalkeedu dhacay.

Waxyar kadib markii ay umushay wiilkeeda, ayay BBC-da u sheegtay in ay ku rajo waynayd in wiilkeeda, Jarrah, uu helo dhalashada Britain uuna ku barbaaro UK.

Jarrah ayaa Khamiistii u geeriyooday caabuq dhanka sanbabada ah, sida lagu xusay warqaddiisii caafimaadka. Waxaa uu jiray wax ka yar saddex toddobaad.

Xildhibaanka muxaafidka ah, ahaana wasiirkii hore ee cadaaladda Phillip Lee ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay muujiso mas’uuliyadeeda iyo in ay ka xuntahay musiibadaas.

Waxa uu sheegay in marka laga yimaado “fikradaheeda xagjirka ah” ay dhanka kale khalad ahayd in Ms Begum lagala laabto dhalashada – isla markaasna loo diido in ay kusoo laaabato UK – arrintaasna ay ahayd mid siyaasdeed ee aysan ahayn mid ku dhisan mabda’ la yaqaan”

Wariyaha BBC-da ee Bariga Dhexe Quentin Sommerville ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee xeradaas Qaxootiga ay tahay mid aad looga naxo oo ay gabaabsi ku ahaayeen cuntada, busteyaasha iyo teendhooyinku intaba.

Muddo saddex bilood ah gudaheed, in kabadan 100 qof ayaa ku dhintay xeradaas isla markii ay yimaadeen,dadka dhimanaya saddex meelood meel ayaa ah carruur ay da’doodu ka hoosayso shan sano.

Kadib markii Ms Begum laga xayuubiyay dhalashadeedii, qoyskeeda ayaa warqad u qoray wasiirka arrimaha gudaha Britain waxayna ku sheegeen sida ay u diidan yihiin go’aankaas waxayna ka codsadeen in uu gacan ka siiyo sidii ay canugooda u keeni lahaayeen UK.

Canugeeda oo dhashay kahor intii wasaaradda arrimaha guduhu aanay dhalashada kala laaban, ayaa waxaa wali loo tixgalinayaa in uu yahay reer Britain.

Sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha Diane Abbott ayaa lagu dhaliilay tallaabooyinka ay qaadday wasaaraddaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker