Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga oo Xafiiskiisa ku Qaabbilay Maalgashadayaal Caalami ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Somaliland Mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wefti maalgashadayaal ah oo ka socda dalka China.

Weftigan oo ka koobnaa siddeed xubnood ayaa ka kala socday saddex shirkadood oo kala ah: OSG International Security Technology Service Co. Ltd; DANAT Trading and Services iyo Shijiazhuang Kelin Co. Ltd, iyada oo ay safarkanna ku wehelinayeen shirkado Itoobiyaan ah oo iyaguna danaynaya maalgashiga dalka.

Agaasimaha Guud ayaa weftiga u sharraxay hawlaha ay Wasaaradda Horumarinta Maalgashigu qaranka u hayso, fursadaha maalgashi ee waddanka yaalla iyo noocyada maalgashi ee Xukuumaddu ahmiyadda siinayso ama mudnaanta gaarka ah u leh.

Agaasimuhu waxa kale oo uu weftiga u sharraxay xeerka maalgashiga iyo shuruudaha looga baahan yahay shirkadaha shisheeye ee maalgalinta ku samaynaya Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinacooda, weftigu waxa ay ka mahadceliyeen soo-dhoweynta ay kala kulmeen masuuliyiinta Wasaaradda Maalgashiga, iyaga oo ballanqaaday in ay dalka ka samayn doonaan maalgashi hufan oo ku salaysan shuruucda dalka iyo tilmaamaha Wasaaradda Maalgashiga.

Shirkadahan ayaa qorshaynaya in ay maalgashi ku sameeyaan Biriijyada, Waddooyinka waaweyn (corridor), Dalxiiska iyo Macdanaha, iyada oo weftiganna dalka keenay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Ambassador Axmed Xasan Cigaal oo kulankanna goobjoog ka ahaa.

Mashaariicdan ayaa haddii ay u hirgalaan sida loo qorsheeyey la filayaa in ay dhaqaalaha dalka kor u qaadi doonaan, isla markaasna abuuri doonaan fursado shaqo oo yareeya shaqo-la’aanta da’yarta dalka ee jaamacadaha ka soo baxday.

Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga oo la kowsatay muddo-xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay hoggaamiyaan masuuliyiin da’yar ah oo si fiican isula jaanqaaday, ayaa tan iyo intii la aasaasay samaysay dedaallo badan oo dalka loogu raadinayo maalgashi caalami ah, iyada oo ay maalinba maalinta ka dambaysa ay isa soo tarayeen maalgashadayaasha shisheeye ee dalka ku soo qulqulaya, kuwaas oo qaarkood heshiisyo la saxeexdeen Wasaaradda, halka kuwo kalena hadda lagu guda jiro wada-xaajoodkii heshiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker