Daawo: Madaxweynaha JSL oo la filayaa inuu Axadda beri ah qaabilo Ergadii dhexdhexaadinta ka dhex waday isaga iyo madaxda xisbiyada  mucaaradka.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu Axadda beri ah qaabilo Ergadii dhexdhexaadinta ka dhex waday isaga iyo madaxda xisbiyada  mucaaradka.

 

Warar xogogaala ah oo ay Heshay Oodwaynemedia ayaa Tibaaxaya Qaabilaada Madaxwayne Biixi ee  Ergadii dhexdhexaadinta ka dhex waday isaga iyo madaxda xisbiyada  mucaaradka.

 

Warar xogogaala oo la  helay ayaa xaqiijiyay inergada oo ka kooban ganacsato iyo culimo ay Axadda beri la kulmayso
Madaxweyne Biixi, waana kulankii u horeeyay ee dhex mara ergada iyo Madaxweynaha tan iyo markii ay ergadu ku guulaysatay inay soo dayso siyaasiyiintii ka xidhnaa xisbiga Waddani.

 

Waxa la filayaa in ergadu ka dhagaysato Madaxweyne Biixi mawqifkiisa,iyagoo hore u soo dhagaystay mawqifka xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani. Lama garanayo in ergadu isla axadda beri soo saari doonto  qodobada ay ku soo gunaanadayaan khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan ee ay dhexdhexaadinta ka galeen iyo inay maalmo ku qaadan doonto  inay natiijo soo saaraan.Hase yeeshee shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya ergada iyo
Go’aamada ay soo saaraan, iyadoo Aynu Lawada Soconay in Markii ay Ergadu soo daysay Siyaasiyiinta Waddani ay Taasi Hoos U dhegtay isla markaana dejisay xiisadii siyaasadeed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker