Jabhadda TPLF oo diiday baaq uga yimid dowladda Mareykanka

Jabhadda gobolka uu dagaalku halakeeyay ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa Jimcaha maanta ah diiday baaqyadii Mareykanka ee ahaa in ay ciidamadeeda ay kala baxdo gobollada deriska la ah, maalin ka dib markii ay qabsatay magaalada Lalibela, oo hay’adda UNESCO u aqqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah.

“Arrinatni ma ahan mid dhaceysa illaa la qaadayo xannibaadda,” ayuu yidhi Getachew Reda, oo ah afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) oo ay soo xigatay wakaaladda wararka AFP.

Gobolkan waqooyi ayaa waxaa baabi’iyay colaadda soo bilaabatay bishii Novermber ee sanadkii hore markaasi oo RW Abiy Axmed oo u diray ciidamada federaalka ah in ay xukunka ka eryaan TPLF oo xukumeysay gobolkaasi, islamarkaana ahaan jiray xisbiga ugu awoodda badan siyaasadda dalka ku dhowaad soddon sano intii uusan xafiiska iman Aby 2018-kii.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan Mareykanka oo ay ka mid tahay madaxa hay’adda USAID Samantha Power oo asbuucan booqatay Ethiopia ayaa ugu baaqay TPLF in ay ciidamadeeda la baxdo, islamarkaana ay dhamMaan dhinacyadu joojiyaan colaadda, xoogoodana isugu geeyaan wax ka qabashada xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta gobolka Tigray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker