Siyaasadda

Siyaasadda dowladnimo sida cilmiyo kale oo badan, markii ay inoo timid waa aynu ku ashqaraarney dabadeed qalad ayeynu u fahamney gurracna ugu dhaqannay, Qaladka ugu weyn ee aynu ka fahamney waa innaga oo dowlad iyo maamul isku mid ka dhignay, afkeenna iyo dhaqankeennaa midna labadaa erey kuma kala soocna.

Dawaladi waa dalka, dadka iyo siyaasadda lagu agaasimo, laakiin maamul waa talis awoodda fulinta marxalad xaddidan haya, Awoodda fulintu waa ay timaadaa oo ay t

agtaa; Iyada oo wadata madaxeeda iyo hawlwadeenkeeda kale, laakiin dawladdu waa jiritaanka qaran ee mar walba maamulku u imanayo kana tegayo. Waxay joogto u haysataa oo aanan marnaba faraheeda ka bixi Karin sharci dajinta, xeerillaalinta, bangiga dhexe iyo fulinta ((oo ah maamulka isbedbeddelaya)).Qaladka kale ee aynu siyaasadda ka fahamney waa qofka xilka loo dhiibo oo mooda in lasiiyey markiiba wuxuu toshaa kiishash, markiibana waxaa u soo barya taga kuwii yaqaanney, haddii la dhaliilo, amaba xilka lagala noqdo, wuu xanaaqaa oo dareemaa in lagu gardarroodey. Bulshadana waa la mid oo qofka hantideeda boobaa, ama hawshii ay u dirtay ka soo bixi waaya, ama awooddii au u dhiibatey ku takrifala, dhegta ma qabato oo debedda uma tuurto, ee makhaayaddaha ayey ka cabataa. Dadka xilka haya looma arko xaqiiqada ah in ay yihiin danley adeega loo dirtay oo mushahar lagu siiyey, ee waxa la moodaa qolo nasiib badan oo illaahey u hiiliyey.

Fekerka iyo dareenka sidaas ahi waa badownimo siyaasadeed oo keenaysa qofkii la dirtay in isla isagii addoon loo noqdo.
Mar haddii ay sidaa tahay , oo aynu sidaa u danbayno , aynu ka doodno sidii wax loo casriyeyn lahaa . laakiin marnaba yeynaan ka doodin in ay habboon tahay iyo in kale.

Hala fahmo haddii kale waxa aynu nqoneynaa “ZOO” aadamiga kale u soo daawasho tago……..

Farxaan maxamed faarax Switzerland biel

fmaxamed417@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker