MA JIRO GORGOR DAD CUNIYE EE HOOYAA DHASHEEDA DIFAACANAYSAY

Markii ugu horreysay  ee arrintani ka dhacday Gashaamo, waxa telefishanada la soo geliyey oo aynu indhaheena ku aragnay inan yar oo gorgor weiiga nabarro ka gaadhsiiyey. Dadkii ehelada ilamaha ahaa, waxay warkii ku soo koobeen waa inan yar oo gorgor dad qaad ahi soo weeraray oo dhaawacyadaa gaadhsiiyey. Saxaafadda ayaa sidii caadada u ahayd markiiba warkii meel walba ka tuuray iyagoon iksu hawlin inay hubiyaan sida runtii wax u dhaceen.

 

Waxay taasi keentay in carruurtii miyiga joogtay ay sas ka qaadaan shimbirkii weyn dushooda soo maraba. Waxa bilaabantay in meelo badan oo u badan gudaha Ethiopia laga soo sheego carruur marka xoolaha loo diro ee ay arkaan gorgor duulaya dib u soo cararaya iyagoo leh gorgor weerar ah baa i soo dul maray.  Mar kale ayaa saxaafaddu shaqo ka dhigatay inay wararkaasi fidiyaan. Waa sii socotay, waxay isu bedeshay shimbiro layn aan loo meel dayin, ilaa ay gaadhay in xuur la dilo. Baqdintii dadkii waaweynaa ee carruurta dhalay ayay saamaysay. Waxa arrintii loo yeelay weji qabiil iyadoo la leeyahay qabiil baa lagu sixray shimbiaahan. Waxaynu aragnay beel dhan oo is abaabushay si ay ugu ducaystaan weerarka gogorka.  Waxa iyana markiiba hawl galay kooxo ku shaqaysta mihnad cusub oo yaab leh oo la yidhaaho sixir dawayn oo suuq cusub oo u soo kordhay u arkay arrintan gorgorka.  Waxaasoo dhami waxay dhacayaan iyadoon la arag qof labaad oo gogor ama shimbir kale wax yeeshay oon ahayn inankii uu Gaashaamo ku weeraray.

 

Xaqiiqaduna waxay tahay in gogorkii inankaas Gaashaamo ku weeraray aya ahayd hooyo (gorgor dheddig) oo dhasheeda difaacanysay.  Waa dareen ilaahay hooyo oo dhan ku abuuray, hadday tahay dad, mas, shimbir, libaax. Waana mid hooyo oo dhami ka siman tahay inay intii karaankooda ah difaacdaan dhashooda.  Intii waxaasi socdeen ma jirin weriye keli ah oo dib ugu noqotay inankii shimbirtu wareeratay oo weydiiyay bal waxa uu isagu sameenayay markii gogorku soo weeraray iyo inuu dhasha gorgrkaasi dilay ama isku dayey inuu dio.

 

Hooyo oo dhan ubadkeeda ha loo nabad geliyo, carruurtana wacyigelin ha loo sameeyo, saskana ha laga daayo.  Shimbiraha aan waxba galabsan ee hawadooda duulayana ha la nabad geliyo, xukuumdaana looga fadhiyaa inay sharci ka soo saarto arrintaas.

 

Abokor Baaruud

Baruda2006@gmial.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker