Dan Iyo Jacayl Kala durugsanaa

Suugaantu Waxay ku timaadaa Ama Soo tebisaa dareen Qof haysta, Amakaag, Ciil, Jacayl, Farxad, Murugo I.w.m.

Marar badan Ayaa laba Jacayl Wada dhadhansaday, Oo u wadaagay sida caano geel, kuwo jacaylkoodu gaadhay inay dhuuxa isku shubaan, Waxa kala fogaysa danta iyo Duruufta hadba ay ku jiraan sida ay heestani xusayso.

Bal suureyso marku Waqtigu kaa fogeeyo dawadii nafta, iyo dareenkii kalkacalka Ee sida ubax dooga leh aad u daawanaysay Kolkastoo ay damaymo kuu qabato.

-Dawadii Naftaydiyoo
-Dareenkii kalkacalkee
-Sida ubaxa dooga leh
-Aan Daawanaayaa
-Waan dibadgaloo bee.

Marka ay duruuftu kaa fogeyso kobtii Iyo degeladii ay darintu idiin tiil ee Caweyskii Ku laydhsan jirteen, Caruurtana Ku cadalooli jireen.

-Adaa dagaladeeniyo
-Dalkii hooyo joogee.

Inkastoo Ay badan yihiin Aaladaha lagu wada xidhiidhaa hadana Waxa jira marar lays waayo Markaas oo kale ayaad is odheysaa Dabaylaha fariin ma ugu dirtaa si ay fariintaada u qaado una gaadhsiiso Quruxdaad Jeclayd.

-Dabaylaha Fariin
-Ma layskugu diraa.

Marka aad aragto Barkulankii aad ku xidhiidhi jirteen Oo qumantaad jeclayd ka maqan tahay markaana Waa kuu Naxdin.

-Dunidiyo Naxdin
-Mays daba socdaan.

Intaa kadib ayaad Nafta ku qancinaysaa in Danta iyo Jacaylkuna Ay kala durugsan yihiin.

-Afku Hadal ma daayee
-Danta iyo Jacaylkuna
-Kala durugsanaa ‘ ee

Markale ayaad arkeysaa Jacaylo badan oo inay kob Wada degaan Mararka Qaar dantu u Saamixi weydo markaas ayaad Nafta ku samirsiinaysaa in dadba kula Qabo oo aanad Keligaa Ahayn.

-Afku Hadal ma daayee
-Danta iyo Jacaylkuna
-Diiftu Maaha Keligaa.

Heestan Waa Ereyadii Maxamed Aadan Dacar Waxa kuwa Luuqeeyey Saalax Qaasim Iyo Khadar Daahir.

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker