MAGAC SOOMAALIYEED DHAXAL U MEEL YAAL W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish).

Inta la ogyahay waxa jira 5 meelood oo qof aadmiga ahi uu fariimaha uu ku helo, waa qayb kamid ah dareemada jidhka ee eebe weyne aadmiga ku galladay. Shantaa meelood ee aadmigu fariimaha jidhkiisa maraya uu ku ogaado ayaa kala ah dareenka araga, dareenka maqalka, dareenka urta, dareenka taabashada, iyo dareenka dhadhanka, dhamaantood waxa xukuma xarunta dhexe ee jidhka taas oo ah maskaxda.

Hadaba abwaanku marku doonayo inu gabyo ama suugaan curiyo waa inu adeegsadaa dareemadaa shanta ah si uu qofka dhegaysanaya dareenkiisa ula wadaago. Hadaba xaaji aadan axmed afqalooc ayaa jeer ku dheeraystay adeegsi xeeldheer iyo weedho codaysan oo lala cajabo. Xaajigu gabaygan wuxu ku muujinayaa xuruuf Laatiin ah oo 31 ka kooban oo qoran hadda hadalkii yeeshay oo qoraalna ka mid noqonayo isirrada muhiimka ah ee Soomaalidu ku wada xidhiidhayso. Libtaas weyn oo ku beegnayd hirgelintii qorista Farta Soomaalida ayuu soo bandhiggeeda Xaajigu gabaygan uga gol lahaa,

Arata gabayga ayuu xaajigu tilmaan buuxda ka bixinayaa sida ay u kala duwan yihiin afgarashada aadmiga iyo ta xayawaanku, sidoo kale muusikadu siday wixii lagu ladho ay u macaanayso iidaan wacana ugu noqoto ayuu inoo soo tabinayaa. Gabayga dhexdiisa waxa ka buuxa ereyo badan oo uu xaajigu kasoo ergistay afka carabiga maxaa yeelay wuxu mudo 40 sano ka badan ku noolaa wadamada carabta, gabogabada gabayga ayuu xaajigu eebe weyne ka baryayaa inu dadka soomaliyeed muwaafaqo siiyo iyo khilaafka ka saaro waxaanu yidhi:

Muwaashigu wuxuu kugu gartaa midiyo heestiise
Muyuusigiyo foodhiduna waa shay macaani lehe
Wax carruurta madadaalo tara miday taqaannaaye
Miyuul faraha lagu taago oo meel maraa jira’e
Maacuunta bahaluhu wid bay marar ka waabtaane
Intaasuba mafhuum weeye iyo maamul gooniyahe
Maqsadse laguma gaadho iyo dantii loo muxtaaj yahaye
Hadal waa murti iyo faallo iyo wariyo maadayse
Iyo waxa baryada lagu masliyo duco la muujaaye
Midna waa calaacal iyo baroor ay murugo keentaaye
Intaasaa codka u muula oo lagu macneeyaaye
Mataanaha xuruuftoo soddona waa midh waxa dheere
Hal waliba milguu leeyahoo odhaah ku muujaaye
Maskaxda iyo laabtiyo wadnaha meel kastaba ruuxa
Sida ilaha maaxduu xubnaha ugu mushaaxaaye
Xididdo murugsan mawjado bad ah iyo maylinaa wada’e
Dalqaduu ku kala miirmo buu mudan ku yeeshaaye
Hadba maanku wuxuu doonayaa soo mufhuum baxa’e
Kolkaasuu af lagu maamuliyo muhindis doonaaye
Carrabkaa midiidin u ah ooy dibintu miistaaye
Mudaabaqo qorriin iyo higgaad labada meeloodba
Laatiinkaa munaasib u ah oon lagala maarmayne
Muslinimo iyo luqoo la qoro midiba waa xawle
Ninkii muramka doonaa si kale wax ugu muuqdaane
Macrifiyo aqoon wada jir ah iyo maahirraa dhigaye
Mintid iyo dedaal baa ku wacan meesha uu tegaye
Waa magaca Soomaaliyeed dhaxal u meel yaalle
Mabda’ii cilmiga lagu dhisuu noogu meel maraye
Madaxda iyo Golaha nagu amraan mahadinaynaaye
Eebaw muwaafaqo na sii Maalig baad tahaye.

 

 

Cabdirasaq Cigaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker