Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID-19 Ee Somaliland Oo Gaadhay 103 Qof, Iyo 16 Qof Oo Kiis Oo Cusub

Tirada laga helay cudurka COVID19 ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa guud ahaan gaadhay 103 qof inay qabanaan cudurkaasi faafaya ee Coronavirus, waxaana Wasaarada Caafimaadka Somaliland ay maanta xaqiijisay 16 qof oo laga helay Corona Virus Somaliland.

 

Lix iyo tobanka qof (16) ee laga helay 15 qof waa Somalilander, halka 1 qof yahay Ethiopian.
8 qof waa rag, 8 qofna waa dumar
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(20jir ilaa 30jir = 7 qof)
(30jir ilaa 40jir = 1 qof)
(40jir ilaa 50jir = 1 qof)
(50jir ilaa 60jir = 5 qof)
(60jir ilaa 70jir = 1 qof)
(80jir ilaa 90jir = 1 qof)

Bukaanadan dhamaan waxa ay joogaan Gobolka Maroodi Jeex .

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker