MADAXWAYNE AQOON-YAHANKAIYO MAAL-QABEENADU WAA KUU DIYAAR, HADDII AAD HOGAAMINAYSO?

Waxaa soo dhawaynayaa qudbada uu madaxwayne Muuse Biixi ka jeediyay carwada ganacsiga. Inta ay Somaliland jirtay waa markii ugu horaysa ee uu Madaxwayne si qota dheer uga hadlo horumarka iyo sida kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka. Waxaan Madaxwaynaha la qabaa in is-kashiga Aqoonyahanada, Bayacmushtariga iyo Dawlada aydalka u horseedi karaan horumar dhaqaale.

Somaliland waxaa leedahay aqoon yahano badan, kuwa dalka gudihiisa jooga iyo qurbo joog badan oo calamka kala jooga oo aqoon iyo wayo aragnimo dalku u bahan yahay leh. Haddii laga faa’iidaystana aqoontooda iyo khibradooda waxaan qabaa in Somaliland ka baxi karto caqbadaha dhaqaalo xumada, iyo shaqo la’aantaku habsatay. Dalkuna uu horumar dhinac kastaba gadhi karo.

Aqoon yahanadu waa dadka aragtida (ama visionka) dal lagu hagayo soo bandhiga. Tusaale ahaan, dalka Marayka, ee calamka ugu dhaqaalaha wayn, aragtiyaha lagu horumariyodalkiisa kama timado siyaasiyiintooda. Lakiin, waxaa curiya hay’ado aqoon yahano ah (Think Tanks), siyaasiyiintu halkaasi ayay ka qaatan, dalkana ku dhaqaan.Teeda kale, aragti (ama vision) aan dhaqaalo haysani waa riyo (dream). Sida daraadeed, waxaa loo bahan yahay dadka hantida lehi in ay dalka maal gashadan, si aragtiyaha dhaqaale looga midha dhaliyo. Haddaba, haddii aqoonti iyo dhaqaalaha la hayo, oo aanu jirin hogaanaragtida loo soo bandhigay dalka ku haga, markaa waxaba ma hirgalayaan. Dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aantuna waa ina-daanwayne.

Marka, Mudane Madaxwayne haddii qudbada horumarka dhaqaalahu ay kaa dhab tahay, ood doonaysid in aan dhaqaalaha dalka kobciso, aqoon yahaynada iyo dadka Somaliland ee hantida lahi waa kuu diyaar haddii aad hogaaminaysid.

Haddaba, Mudane Madaxwayne, si dhaqaalaha dalka loo hurumariyo, waxaa loo bahan yahay in aad samayso gudi dhaqaale (economic counsel). Gudidani oo ka gooban laba kooxood oo kala ah; Koox-koowad oo diyaariyasharciyada dhaqalaha iyo koox-labaad oo qorshaya, hirgaliyana mashruucyada dhaqaalaha ee dalku u baahan yahay. Haddaba, si dhaqaalaha dalka loo kobciyo, kooxda-kowaad waxay diyaariyaan xeerarka qabyada ah ee dalku u bahan yahay. Xeerarkani ooy ka mid yihiin:

  • Sharciga Caymiska (Insurance law).
  • Xeerka Maalgashiga (Investment law).
  • Xeerka Bangiyada
  • Xeerka Bitroolka iyo Macdanta (Petroleum&Mineralssharing act).
  • Xeerka dhulka (Land management law).

Mudane Madaxwayne haddii aan xeerarkani la hirgalin, Somaliland horumar ka dheer. Marka, shaqada ugu horaysa ee ay gudidani qabanayaan waa in ay diyaariyan sharciyadani, sida ugu dhakhsaha badana ugu gudbiyan Golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan. Haddii Golaha Wakiilada ay caqabad ku noqdaan hirgalinta xeerarkani, waa in la kala diro. Doorashada waa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto, lana doorto gole danaynaya horumarka dalka.

Kooxda-labada ee gudida dhaqaalahu waa in ay diyaarinayaamashruucyada dalka u bahan yahay, ee ay ka midka yihiin, laydh jaban, Warshada Sibidhka, iyo mashruucyo kale. Hawsha ugu horaysa ee kooxdani qabanaysaa waa in ay abuurayaan Bangiga Horumarinta Somaliland (Somaliland development Bank).

Bangigani waxuu daraasad ama ‘visibility studies’ ku samaynayaa mashruucyo. Kadibna, waxaa u bandhigan dadka Somaliland (Ee dalka jooga, qurbaha joogta, maal-qabeenada) iyo waliba dadka/sharkadaha kale ee ajaanaba ka ah ee samiyo iibsan kara. Mashruuc kastana waa in dadka Somaliland majority-ga lahaadan.

Haddaba, marka uubangigu isu soo geeyo hantida uu ku hirgalinayomashruuc, dadka samiyada leh ayaadhex dooda iska soo xulanayagudi (ama Board of directors) la shaqaysa bangiga,si ay u hirgaliya mashruuca.

LAYDH JABAN (CHEAP ENERGY)

Laydhku waa waxyaabaha noloshu u baahan tahay. Waxaanad qudbada ku tidhi; dadka ajaanibka ah ee doonaya in ay dalka maal gashadan waxay raban laydh jaban. Sida daradeed, waxaa loo bahan yahay in bayac mushtarigu ay dalka ka hirgaliyan laydh jaban.

Haddaba, waa in la is waydiiyo sidee lagu heli karaa laydhka jaban? Yaase hirgalin kara? Maxaa laga dhalinya laydhka jaban?

Sharkada dalka ka jiraa waxay laydhka ka dhaliyan Generators Naafto ku shaqeeya. Laydha Generator Naftaduna laga dhaliyaa waa mid asal ahaan qaaliya. Laydhka cadceeda iyo dabaysha laga dhaliyo ma ah laydh joogto ah, oo la isku halayn karo. Bayteriyo lagu kaydiyo laydhkuna waa qaali. Mashruuca laydhka ah ee dabayl iyo cadceed laga dhaliyo ee batriya lagu xidho waxaa uu ku kacayaa dhaqaalo badan. Sida daraadeedna, laydhkiisu qaali ayuu noqonayaa.

Marka, Mudane Madaxwayne, waxaa loo bahan yahay in qorshe loo dajiyo laydhka (ama Energy)dalka u bahan yahay. Laydhka aynu u bahan nahay waxaa laga yaaba inuu noqdo 100 MW – 600 MW. Marka, waa in loo qaybiyo dhawr qaybood (ama waji) oo kolba waji la hirgaliyo. Waxaan anigu qabaa in laydhka aynu u bahan nahay laga dhaliyo dhuxul dhagaxda, oo ah alada ugu jaban ee laydh laga dhalin karo. Haddii aanu dhuxul dhagaxda dalka lagu sheego aynaan isticmaali karin, waxaan ka soo iibsan karnaa dalalka Afrikaanka, iyo calamka kale. Haddaba, laydhka laga dhaliyo cadceeda iyo dabayshuna waxaay noqon karan kuwa lagu badhi taro laydhka laga dhaliyo dhuxul dhagaxa, lakiin ma noqon karaan mida ugu mihiinsan ee laga dhalin karo laydh jaban, ama laydh joogta ah.

Maal gashigana mashruucani waxuu ka imanaya dadka Somaliland, iyo cid ala iyo cida kale ee maal gashan karta. Lakiin ganacsato generator-o naafto tunka ku sita, laydh jaban ha ka filan.

WARSHADA SIBIDHKA (CEMENT FACTORY)

Warshada Sibidhka ee Berberba in aynu dib-u-kicino waxaynu ka door bidnay in aynu sibidh ka soo iibsano dalalka jaarka ah iyo calamka kale, lacag malaayiin dollar inaga bixdo. Lacagtaasi haddii aanu warshada sibidhka galin lahayn, maanta warshada sibidhku way shaqayn lahayd, dadkeenu shaqooyin ayay ka heli lahaayeen.

Haddaba, 2010-kii ayaaWarshada Sibidhlagu wareejiayaykoox dilaalin ah, oo hanti Warshada Sibidh ku kiciyaan haysan. Labo sano ka horena, mar kale Warshada Sibidhka lagu wareejiyay kooxda iminka gacanta ku haya, oo isku jira dilaaliintii hore iyo dhawr taajir. Haddaba, Mudane Madaxwayen kooxdani ma kicin karaan warshada sibidhka.

Mudane Madaxwayne, nimankani warashada gacmahooda kuma samaynayaan, ee waxaa jira sharkadofaro ku tirisa oo warshadaha noocani oo kale ah iibiya. Mudo kooban kuugu sheegaya wakhtiga iyo qiimaha ku hirgalin karaan.

Sababta warshada sibidhka Berbera ayna kooxdani u kicinayn, waxaan qabaa in ay laba mid tahay;

In kooxda-dilaalinta ah, een haysan hanti ay galiyaan iyo kooxda-tijaarta ah, ee hantidoodu galaya ayna heshiis ku ahayndhaqaalaha warshada la galinayo. Sidaa daraadeed, tijaartu waxay doonaya in ay wakhtiga ka ridan dilaalinta. Marka ay mudo wareejiyana lacag yar siin, sidadaana warshada ula wareegan. Dilaalintuna waxay nawilayaan in ay helaan sharkad caalamiya oo lacag fiican siiya, sidaana ugu wareejiyan warshada.

Marka Mudane Madaxwayne, kooxdani warshad ay dhisayaan ma jirto, ee waa in laga wareejiyo. Haddaba, haddii la isla qaato in la sameeyo Bangiga Horumarinta Somaliland, waxaan qabaa in mudo kooban ay ku soo bandhigi doonan qorshaha Warshada Sibidhka, lacagta ku baxaysa iyo wakhtiga warshadu la hirgalin karo.

Mudane Madaxwayne Dastuurka Somaliland meelna kagama jirto inuu Madaxwaynu hantida qaranka shakhsi (ama sharkad) uu siin karo. Hantida Ummada ka dhaxaysa waa in si sharciya lagu bixiyo. Haddaba, Mudana Madaxwayne sida dhulka Berbera aaduga soo celisay dadkii sida sharci darada ah loo siiyay, waa in aad warshada sibidhkana aadu soo celisaa.

Nimanka dilaalinta ah ee la siiyay warshada sibidhka waxa lagu siiyay in aymatalaandadka deganka Berbera ee warshada Sibidhku ka dhisan tahay. Lakiin, cid ay mataan ma jirto ee iyaga ayaaka tajiraya, dadka degaankuna wax faa’iido ah kama helayaan.

Haddaba, Mudane Madaxwayne, haddii aad wax u qabanayso dadka deganka Berbera ee warshadu ku taalo, ma ah in aad afar af-miisha la dhagaysato, ee waa in la sameeyo Maamulka Horumarinta Berbera (Berbera Development Authority), oo ka kooban gudi dhawr qof ah oo cashuurta (5% ilaa 10%) laga qaado kiishkasta oo sibidha, ummada magalada Berbera wax loogu qabto. Mashruuc kasta oo dalka laga hirgalinaya sidaa oo kalesunelooga dhigo.

Gaba gabadii, Mudane Madaxwayne qudbada waxay ahayd mid ummada wanaaga iyo horumarka jeceli ku farxeen, waxaase Mudane Madaxwayne laga fadhiyaa sida aad qudbada uga dhaban lahayd, haddii kale qudbadahaga danbe waxay noqon doonan kuwa wax ka soo qaad lahayn.

Haddaba, haddiiMudane Madaxwayne talooyinka aan halkani ku soo bandhigay(ama kuwa la mida), aad qaadatid waxaan qabaa in dalku horumarka aad rabtid gaadhi doono. Ummada Somaliland wada jirkooda waxaa ku xidhan yahay in cadaalad helaan, lakiin, marka afar afmiishar iyo dhawr tajir hantida ummada lagu wareejiyo, waxaa noqonaysa dawlad la mida tii Siyad Bare eed  adiga iyo dadka Somaliland iska xoreeyan.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

OMAR A. YOUSUF    OAKLAND, CALIFONIA

Omaryousuf455@gmail.com

DALAYADA “DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST)

WWW.SOMALILANDFIRST.COM

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker