Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka hadlay xaaladda amni ee Dalka

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta ka qeyb galay Barnaamijka kulanka toddobaadka warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay qodobo dhowr ah oo ay ku jiraan xaaladda amni ee Dalka.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay socdaan howlgallo joogto ah oo lagu sugayo amniga, isla markaana ay horseed ka yihiin ciidamada Booliiska, heyaddaha amniga iyo degmooyinka gobolka Banaadir.

Mudane Xijaar ayaa xaqiijiyay in lagu jiro xilligii soo kabashada, sidaa daraadeedna ay muhiimtahay in si wadajir ah looga hortago cid kasta oo isku dayda in ay wiiqdo amniga dalka iyo horumarada kale ee jira.

Taliyuhu waxa uu ugu dambeyntii faray ciidanka Booliiska in shacabka ay kula dhaqmaan sida ugu haboon ee ay ku jirto danta, sharafta iyo karamada bulshada, wuxuuna dhanka kale u mahadceliyay ciidamada shisheeye ee ka qeybqaata sugidda amniga guddaha Dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker